U bood dhigaalka

Wiil Soomaali ah oo Taariikhda Ka Galay Tartanka Afrika Odorka 5000 oo Miter Biladna Kasoo Helay

Sheeko:Cayaaraha

C/llaahi Jaamac Maxamed ayaa habeenkii Jimcaha taariikhda ka galay ciyaaraha Afrika ee Ghana, isagoo bilad qalin ah ku guuleystay orodka 5000 mitir ee tartanka ragga, isagoo noqday kii ugu horreeyay ee Soomaaliya ay ka hesho masraxa caalamka muddo ka badan 35 sano, oo dalku soo kabasho ku jiray

Maxamed oo ku tartamayay garoon adag, waxa uu ku dhammaystay orod cajiib ah 13:38.64, waxa uu si dirqi ah kaga dambeeyay Gebrhiwet Berhe oo u dhashay dalka Itoobiya, kaas oo qaatay bilad dahabka ah oo uu ku galay 13:38.12, waxaana siweyn loogu ammaanay dadaalka uu ka muujiyay goobta Cabdullaahi.

C/llaahi oo ahaa wakiilka kaliya ee Soomaaliya uga qeyb galay munaasabadda lagu qabtay dalka Ghana ayaa soo bandhigay waxqabad dhiirri gelin ah, waxaana fure uu noqday dhallin badan oo ku haminaysa maalin in ay ka qeyb galaan, waxaana uu tilmaamay inuu dadaalkiisa uu ka muujin doono masraxyo kale.

Eisa Kumanda Medina oo 19 jir ah ayaa ku guuleysatay sidoo kale dhanka hablaha iyadoo heshay biladda dahabka 15mn04s32, iyadoo hogaanka u heysay Itoobiya iyadoo ka horeyso Kesete Birtukan Molla iyo Shaarew Melkat Wudu, oo ku guuleystay kaalinta labaad iyo seddexaad, siday u kala horreeyaan orodka.

C/llaahi Jaamac Maxamed taariikhda uu galaya ayaa ah mid siweyn looga hadal haayo gudaha dalka xilli bulshada qeybaheeda ay siweyn u bogaadiyeen, C/llaahi Jaamac ayaa sheegay inuu ku haminayo sidii uga soo muuqaan lahaa tratamo kale uu ku matalayo xulkiisa sida uu hadalkiisa ku sheegay guushiisa kadib.

Community Verified icon