U bood dhigaalka

Guddoomiya Sacdiya oo Ka Qeybgashay Afur Gobolka Loogu Sameeyay Xildhibaannada Labada Aqal

Guddoomiye Ku-Xigeenka Kowaad Ee Golaha Shacabka Baarlamaaka Federaalka Soomaaliya Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar ayaa ka qeyb-gashay munaasabad affur ah oo loogu mahadcelinayey Guddoonka, Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo labada guddi ee dastuurka oo ku guuleystay ansixinta wax ka beddelka afarta cutub ee ugu horreeya Dastuurka.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), Wasiiro, Xildhibaano ka tirsan labada Aqal, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Danjiraha Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya, Guddoomiyeyaal Degmo, Agaasimeyaal, Ururka Haweenka Gobolka Banaadir iyo marti sharaf kale ayaa goobjoog ka ahaa munaasabadda.

Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Golaha Shacabka Marwo Sacdiyo Yaasiin oo khudbad dhinacyo badan taabaneysa ka jeedisay gabagabada Kulanka ayaa sheegatay in Shacabka Soomaaliyeed ay matalaan Baarlamaanka,Guddoonka labada Aqal Xildhibaanada,Sanatarada waxay qabsadeen shaqadii laga rabay ee dib u eegista dastuurka.”waxaana Ku xijin doonaa Maqaamka Caasimada ee Gobolka Banaadir oo aan ognahay Shacbaka Ku nool in ay ubaahanyahiin in ay helaan Matalaadooda.