Sheexo Xiiso: Wiil Bareelis ah oo Diyaarad Afduubtay, Waa Kuma Naasir Maxamed?
Naasir Maxamed waliid wuxuu ku dhashay magaalada Tripoli ee caasimadda dalka liibiya sanadkii 1959-kii. Hooyadiis waxay ka shaqayn jirtay howlaha guryaha sida nadaafadda lacag aad u yar ayayna ka soo heli jirtay, taasoo ay isku dayi jirtay inay nolosha qoyska qeyb ahaan ku maarayso.
Wuxuu ku soo koray nolol aad u adag oo qalafsan daruufo iyo dac-darrooyin faro badanina ay ku gadaamanyihiin, markii uu qaan-gaarayna qoyskiisa asaga ayaa hormuud u noqday oo dhabarka u ritay masuuliyadna iska saaray sidii uu waalidkiis u barbar istaagi lahaa maadama ay aad u tabaalaysnaayeen.
Naasir wuxuu hadda iyo jeer dareemi jiray qalbi jab iyo walwal maadaama ay xaaladdu aad ugu xumayd, qoyskiisuna ay silac iyo dandarro ku noolaayeen, wuxuuna isku dayi jiray inuu shaqo walboo ka soo hor baxda qabto si uu quudka maalinlaha ah ee waalidkiisa iyo walaalihiis u helo.
Asagoo 13 jir illaa 14 jir ah ayuu go’aan buuxa ku gaaray inuu geed gaaban iyo mid dheerba u fuulo sidii uu nolosha qoyskiisa u maarayn lahaa, Hooyadiisna uga nasin lahaa howsha adag ee ay subax walba u kallahdo.
Sidaas ayuu maagaanaa oo hammigiisu ahaa balse waqtiga ayaa ciilay oo riyooyinkiisii oo dhami hal bacaad lagu lisay ayay noqdeen, wuxuuna galay cariiri iyo caloolyow maxaa yeelay haba yaaraatee wax shaqo ah oo uu u gacan taago ayuu waayay,wuxuun u tacabiray dalka deriska ah ee lubnaan.
Sanadkii 1973 nasar da’diisu waxay ahayd 14 sanadood, xilligaa waxaa dalka lubnaan ka aloosnaa dhibaatooyin iyo nabad-galyo xumo.
Maalin maalmaha kamida naasir oo dalkaa ku sugnaa ayaa rasaas lagu furay , 4 kamida raastaas ayaana dhabarka kaga dhacay, ka dibna isbitaal ayaa loola cararay.
Hooyadiis ayaa maqashay inuu wiilkeedii dhaawac halis ah yahay oo uu nolol iyo geeri u dhexeeyo, isbitaalna jiifo murugo iyo muraara-dillaac ayaana soo food-saaray.
Hooyada maskiinta ah waxay uga tagtay isbitaalkii uu ku jiray oo inta badan way la joogi jirtay, mararka ay ka maqantahay oo dhif ahaana dhegta ayaa u taagnayd oo had iyo goor waxay u darbanayd inay hesho war ama wicaal la xariirta xaaladda wiilkeeda.
Maalin maalmaha kamida waxaa soo gaartay xog naxdin leh oo tilmaamaysa inuu geeriyooday, waxayna degdeg u aadday isbitaalkii uu ku jiray.
Intii ay jidka kuu sii jirtay waxaa maankeeda ka guuxaysay oo maskaxdeeda laba rogaysay tiiraanyo daran, maxaa yeelay wiilkeeda aad ayay u jeclahayd, wuuna caawin jiray oo maaraynta nolosha qoyska ayuu Kala qeyb-qaadan jiray.
Markii ay gaartay isbitaalka waaxaa loo sheegay inuu wiilkeedii dhintay, baabuurtii meydkiisa qaadi lahaana la diyaariyay oo dhowaan la soo aasi doono, ayana ayadoo aad u murugaysan ayay isku diyaarisay sidii ay janaasadiisa u raaci lahayd.
Meydkii waxaa la saaray gaari aanbalaas ah wayna la dhaqaaday, baabuurtii kale ee la socatay way daba-galeen oo dhinicii xabaalaha ayay abbaareen.
Waddadu waxay ahayd mid xoogaa raf ah, dabayl xoog lihina waa ay socatay oo gaadiidku way ruxmayeen ama jagjagtooda ayaa badnayd.
Markii cabaar la sii socday waxaa dhacay wax la yaab leh oo dadkii aanbalaaska saarnaa fajac ku noqday tolow maxa ahaayeen?.
Gaariga oo meel jidku god ka yahay Sii dhaafaya ayaa xoog u ruxmay ka dibna waxaa la arkay nashaxkii oo dhaqdhaqaaya oo waliba nuux nuuxsi joogto ah samaynaya.
Naasir Hooyadii waxay la socatay gaariga aanbalaaska ah, waxayna ahayd qofkii koobaad oo dareemay inuu naxashku dhqdhaqaaqayo, ka dibna waxay dadkii la socday ku tiri”ma indhahaygaa mase meydku wuu nuux nuuxsanayaa”.
Intaa kuma ekaane waxay ku qaylisay jooji gaariga, wuxuuna darawalkii hakad ku galay waddada dhinaceeda, ka dibna waxaa baaritaan loogu dhaqaaqay naxashkii.
Durbadiiba waxaa la ogaaday in ninka meyd ahaanta loo sidaahi uu noolyahay oo aanu Dhiman, waxaana degdeg loogu celiyay isbitaalkii.
Hooyadii iyo dadkii kale naxdintii iyo murugadii farxad baa u badashay inkastoo uu wiilku xaalad culus ku jiray, waxaana la xaqiiqsaday inuu xanuunka qalalku ku dhacay oo xubnihiisa dhaqdhaqaaq laga waayay ka dibna meyd la mooday balse uu noolyahay.
Naasir miyirkiisa iyo ogaalkiisu way feecnaadeen balse hurdo iyo harsi waa uu ka go’ay xanuunka daran oo uu dhabarka ka dareemay awgiis, maxaa yeelay 4-ta xabbadoodba dhabarka ayay uga dheceen.
Hooyadiis waxay subax walba aaddi jirtay isbitaalka si ay xaaladda wiilkeeda uga warhayso, noloshii carruurta kalena way ilowday.
Naasir wuxuu mar walba hooyadii weydiin jiray “goormee ayaad iqaadaysaa oo isbitaalka feecan i gaynaysaa” ayaduna wax walba waa ay isku dayday oo safaaradaha iyo meel way la xariirtay si wiilkeeda isbitaal debadda ah loogu helo, balse waxba uma suurto gelin.
Qayliinka iyo daawayntiisu waxay ahaayeen kuwo joogto ah hooyada maskiinta ihina way awoodi waysay inay qarashka Hawlahaa lagu qabanayo bixiso, taasina waxay caqabad ku noqatay inuu degdeg u bogsoodo.
Maalin maalmaha kamida ayadoo la safaaradaha codsiyo u dirdiray si uu wiilkeeda gargaar caafimaad u helo; waxaa u soo jawaabtay safaaradda dalkeeda liibiya, waxayna u sheegeen inay dalka talyaaniga caafimaad ahaan ugu dirayaan.
Waxaa la geeyay magaalada roomo,waxaana lagu guulaystay in laga soo saaro Hal xabbo oo kamida 4-tii xabadood oo dhabarka uga jirtay.
Nasiib-darro ayadoo ay qalliino badani u dhimanyihiin ayay ka dhammaaday lacag ay safaaradda liibiya siisay, waxaana dib loogu soo celiyay dalka lubnaan, xaaladdiisuna way sii xumaatay.
Wiilkii weli isbitaalkii ayuu ku jiraa oo xaaladiisu way liidataa, qoyskiina nolol adag ayay galeen oo maalin way quudan jireen maalmo badanna waxay dhuunta mariyaan ayay waayi jireen oo dac-darro ayay la daalaa-dhacayeen.
Maalmaha qaar markii ciyaalka la aamusin waayo oo ay gaajada la ooyaan ayaa biyo dabka soo saari jiray si ay ugu maleeyaan in qado loo karinayo, siday u sugayaan ayayna hurdi jireen.
Naasir weli isbitaalkii ayuu ku jiraa oo xaaladiisu way xuntay, wargeysyada ayuuna akhristaa oo xanuunka isku ilowsiiyaa, balse wuxuu ku arkaa waxaabo cuqdad iyo ciil ku abuura.
Wuxuu ka dheegtaa wasiirro iyo masiiliyiin kale oo isbitaalo heersare ah xanuun aan sidaa u weynayn isaga soo daawanaynaya ayadoo hantida dowladda isticmaalaya, asna noloshiisa oo dhan ayaa halis ku jirta.
Maalin maalmaha kamida wuxuu ogaaday inay Kuwait ka midtahay dalalka adduunka ugu hodansan ama ugu qanisan, wuxuuna hooyadiis ka codsaday inay warqadaha u dirtay safaaradda Kuwait.
Waa loo soo jawaabay oo waxaa loo sheegay in daawayn iyo cunto bilaash la siin doono intuu joogo Kuwait, balse uu visaha la baxo taasoo uu awoodi waayay.
Ka dibna markii ay u suurtagali waysay inuu Kuwait u safro xaaladdiisa caafimaadna ay sii xumaatay ayuu malin hooyadii ku yiri”ama waan dhimanaayaa oo dhinkayga ayaad ka nasan doontaa ama dadka adduunka ugu awoodda badan ayaan ka mid noqan doonaa.
6-6-1977 naasir wuxuu isku duba-ritay wax walba oo uu awooday, wuxuuna isku diyaariyay safar caafimaad oo dalka iraaq gaar ahaan baqdaad ah.
Alaabtii qaar wuxuu u dhiibtay qoladii duulimaadka, Intii muhiimka ahaydna wuu la haray oo asaga ayaa gaariga cuuryaanka ee saarnaa meel ka gashaday.
Baaritaan iyo jiid jiid lama geline diyaaraddii ayaa hore laga saaray maxaa yeelay halisba lagama filan karin maadaama uu dhibane aad taag daran ahaa, qolada garoonkuna ay aad ugu dhimrinayeen.
Diyaaradda ilaalo nabad-galyo ama ciidan lama socan,nuuceeduna wuxuu ahaa boyn 0707, markii ay hawada gashayna wuxuu naasir kabtankii ku yiri dhinaca Kuwait noo leexi halkii aad baqdaad na gayn lahayd, balse hadalkiisa dheg jalaq looma siin maadaama uu maskiin dhaawac ah oo xaalad adag ku jira ahaa.
Intaa ka dib naasir wuxuu la soo baxay boorso yaroo madow oo ay daawooyin ugu jireen, wuxuuna kabtankii iyo rakaabkii oo 110 qof ka koobnaa ku yiri”waxyaabo qarxa ayaa boorsada iigu jira oo diyaaraddoo dhan waan holcinayaa haddii kale Kuwait naga dejiya”.
Aad ayaa loo wada argagaxay oo warkiisa waa la rumaystay rakaabkii iyo shaqaalihii diyaaraddana waxaa soo food saartay cabsi xoogan, asna wuxuu ku hanjaba in qofkii u soo dhawaada uu si gaar ah u qarxin doono.
Markii uu arkay in laga wada baqayo ayuu kabtankii amar ku siiyay inuu diyaaradda ka dajiyo Kuwait, markii ay soo gashay hawada Kuwait waxaa laga war-helay inay tahay diyaarad la soo afduubtay, amniga garoomadana aad ayaa loo adkeeyay.
Markii ay diyaaraddu soo degtay oo ay ammintu ahayd 9-kii galabnimo waxaa isku gadaamay ciidamada ammaanka ee dalkaas.
Naasir oo ahaa afduubaha diyaaradda ayaa dalbaday Hal Mallion iyo shan boqoloo kun oo doolar oo madax furasho ah oo uu doonayo inuu isku daweeyo, haddii kale uu diyaaradda iyo garoonkoo dhan qarxin doono.
Waxaa arrintii loo gudbiyay wasiirkii amniga iyo arrimaha gudaha dalkaasi Kuwait Shiikh sacad Cabdullaahi Alsaalim sabaaxi, waxaana la rogrogay xeeladaha iyo qorshaha ugu habboon ee diyaaradda lagu soo furan Karo.
7 saacadood ka dib waxaa bilowday hawl-gal qorshaysan oo aad looga baaraaraan degay, ciidan si gaar ah u tababaran ayaana diyaaradda xoog ku galay oo naasir gacan ku dhigay, rakaabkiina badbaadiyay.
Rakaabkii oo dhami xorriyaddooda ayay dib u heleen, naasirna cidna dhibaato uma gaysan markii laga reebo hal qof oo gacan wax ka gaareen ka dib markii ay cabsi darteed qolo kale isku boorteen,balse diyaaradda ayuu afduubay oo uu halkii ay ku socatay meel aan ahayn ka dajiyay.
Warbaahinta caalamka xilligaa waxaa qabsatay dhacdada ugubka ah ee diyaaradda lagu afduubtay,wargeysyada intooda badanna waxaa lagu qoray maqaallo taageeraya naasir maadaama uu gargaar caafimaad waayay ka dibna uu qorshahan la yaabka leh la yimid..
Warbaahinta dalka lubnaan ayaa kaalin weyn ku lahayd faafinta qisada naasir,waxayna caalamkoo dhan gaarsiiyeen xogo arrintaa la xariira.
Naasir intaan kiiskiisa waxba laysk weydiin oo dambi loo raacan waxaa ugu horrayn la geeyay isbitaal ku yaalla dalkaasi Kuwait si xaaladdiisa caafimaad loo baxnaaniyo.
Intaa ka dib naasir wuu roonaaday, waxaana kiiskiisii laga dhigay mid ay duruuftu ku qasabtay ka dib markii uu Cid dawaysa oo u damqata waayay.
Dowladda Kuwait ayaa d dhabarka u ridatay daawayntiisa, waxayna bixisay qarash aad u fara badan oo ay ugu talo-galeen in lagu baxnaaniyo,waxaana qaabilay wasiirka arrimaha gudaha dalkaas Shiikh sacad cabdalla saalim alsabaaxi.
Intaa ka dib naasir wuxuu ku noqday lubnaan, sidii halyaygii ayaana loo soo dhaweeyay, qisadiisuna waxay hadal-hayn guud ahaan dalalka carabta.