Dadka uu Dilo Ayuu Maqaarkooda Dharka Ka Sameysan Jiray, Waa Sheeko Xiiso Leh
Edwad jiin wuxuu ku dhashay magaalo lagu magaacaabo lagroos oo ka tirsan gobolka wiskonsiin ee dalka maraykanka sanadkii 1906.
Wuxuu ahaa da’dii labaad ee ay isku dhaleen agoosto jiin iyo jowrajiin oo ahaa labadiisa waalid, waxaana ka weynaa wiil lagu magacaabo hinri jiin.
Hooyadii waxay ahayd haweenay aad u kul kulul oo aan naxariis iyo jixin jix lagu aqoon, aadna u qalbi adag, balse aabbihiis ayaa aad u calool-jilicsanaa oo damqasho iyo diirnax badnaa.
Magaalada ay edwad iyo qoyskiisu deganaayeeni waxay ahayd mid macaasi badan oo tumashada iyo cabbidda qamrigu ay carruur iyo cirrooleba dadka meherad u wada ahaayeen.
Hooyadiis arxan la’aanta waxaa u wehisay badraanimo ama dhaqaalo-darro oo nolosha qoyska si aan loo meel dayin ayay ugu tagri fali jirtay, carruurtana wax daryeel iyo dareen waalidnimo ah toona u hayn.
dabcan qani ama hodan ayay ahaayeen oo hanti faro badan way haysteen, beer aad u weyna way lahaayeen, balse damiir iyo dadnimo ma jirin oo nolol aad u qariban ayay ku jireen.
Carruurtu waxay inta badan daawan jireen aftaanta hooliwuudka maraykanka, gaar ahaan kuwa dambiyada iyo dilalka dadka ku saabsan, waxayna had iyo jeer ku dhex arki jireen gacan ku dhiigleyaal la soo qabtay oo silsiladaysan iyo kuwo si kasta loo raadiyay, balse gacanta lagu soo dhigi waayay.
Edwad jiin markii uu weynaaday waxaa asaga iyo walaalkiis la geeyay iskuul, waxaana u billaabay waxbarasho iyo la dhaqan dad ka duwan qoyskooda.
Edwad inkastoo uu markii hore waxbarashada xiisayn jiray haddana firfircooni uma hayn oo casharada iyo tagidda iskuulka iskuma xilsaari jirin sidoo wuxuu ka xishoon jiray macalimiinta, balse hinri ayaa aad u dadaali jiray
Inkastoo uu waxbarashada habsan ka ahaa haddana wuxuu aad u akhrin jiray buugaagta sheekooyinka ee carruurta iyo qisooyinka.
Edwad jiin dabeecad ahaan wuxuu ahaa ruux qunyar socad ah oo aan jeclayn inuu dadka dhex galo ama la sheekaysto, qof uu la hadlona waxaa ka jiray labadiisa waalid iyo carruurta kale ee la dhashay.
Sanadkii 1940-kii waxaa geeriyooday aabbihiis, waxayna hinri iyo edwad billaabeen inay hooyadood tabcidda beerta iyo howlaha kale ka gacan siiyaan, maxaa yeelay shaqadaa odayga ayaa kaligiis qaban jiray wuuna iishay.
Labada wiil isku waxqabad ma ahayn oo edwad ciidamin badan lagama heli jirin, inta badanna fadhi iyo baashaal ama film daawasho ayuu amminta ku idlayn jiray, hinri’se wuxuu mar walba u tafa-xaydnaa inuu howl kasta si wanaagsan uga soo dhalaalo.
Maalin maalmaha kamida hinri ayaa aad u canaantay oo wahsi iyo inaanu hooyadii baarri u ahayn ku haaraamay, balse Ed jiin dheg jalaq uma siin oo kajan iyo gafuur taag ayuu uga falceliyay.
Edwad jiin wuxuu dhibsaday waanada iyo waxsheega walaalkiis, wuxuuna ka nebcaaday jinnigii isha caddaa oo araggiisa ayuu sidii dugaagga uga dudi jiray.
16-kii bishii may sanadkii 1944-kii hinri ayaa ku geeriyooday dhacdo lama filaan ah, taasoo ahayd dab xoogan oo beertooda qabsaday.
Edwad qudhiisu wuxuu ku foognaa daminta dabka balse dhimashada walaalkiis wax saameyn ah kuma yeelan oo waaba ku farxay, markii uu guriga ku soo noqdayna hooyadii ayaa weydiisay waxa ku dhacay hinri, balse uma jawaabin oo afka ayuu ka xirtay.
Booliska iyo qolyaha dabdamiska ayaa goobta degdeg u soo gaaray, waxayna raadiyeen meydkii balse way waayeen, ka dibna edwad ayaa tusay oo dabkii si xun uga shiilmay, madaxana uu dhaawac weyni uga yaal.
Waxaa lagu shakiyay inuu asagu dilay haddana maadaama uu aamusane xishood badan ahaa, qof walibana ma aamini karin inuu ku dhiiran Karo inuu walaalkii khaarajiyo.
29 December sanadkii 1945-tii waxaa geeriyooday agoosto oo ahayd edwad hooyadiis, kaligiis ayaana qoyskoodii oo dhan ka haray maadaama ay labadiisii waalid iyo halkii wiiloo la dhashayba wada dhinteen.
Kaligiis ayuu noqday noloshiisiina way is badashay oo inkastoo uu macangag ahaa haddana cidlo iyo walwal ayuu dareemay, Cid uu weheshadona waa uu waayay.
Wuxuu ammin dheer ama saacado badan ku qaadan jiray sariirtii hooyadiis asagoo buugaagta iyo qisooyinka nolosha carruurta la xariira akhrinaya.
Maalmo ka dibna wuu ka digarogtay buugaagtii carruurta wuxuuna billaabay inuu akhrinayo kuwo ku saabsan habdhqankii hugaamiyihii dalka jarmalka Adolf Hitler iyo sidii uu dadka u layn jiray.
Dabcan waxay ahaayeen dhiganeyaal ka hadlaya falka qurgoynta iyo jirdilka ee bin’aadamka loo gaysto kuwii ugu darnaa, iyo qaababkii ugu fool xumaa ee dad loo inqaabay.
Sidii uu waxaa u akhrinayay ayuu noqday xagjire manaxe ah oo aan arxan lahayn, mar walbana jecel inuu sidii Hitler dadka u laayo.
Maalin maalmaha kamida waxaa soo booqday wiil deris la ahaa, wuxuuna qolka edwad ku arkay waxyaabo argagax iyo anfariir leh, oo ay ka mid ahaayeen madax bini’aadam oo go’an iyo xubno kale.
Wiilkii oo yaab iyo irkag la jarcinaya ayaa gurigiisii ku noqday, wuxuuna dadkii magaalada deganaa uga warramay wixii uu ku soo arkay qolka edwad, balse waxaa loo qaatay inuu kaftamayo ama aanu Kala garanayn wuxuu soo arkay iyo wax kale.
Edwad oo si feecan u dheegtay sidii bahalnimada ahayd ee uu Hitler dadka uu laayo madaxooda weelasha uga samaysan jiray ayaa asna ku fakaray inuu dadka maqaarkooda Dhar ka farsamaysto, wuxuuna billaabay inuu Barto sida wax loo tolo.
1-dii bishii may sanadkii 1947-kii wuxuu afduubtay gabar 17 jir ahayd oo lagu magacaabi jiray joorjiya wiglar.
Sanadkii 1952 wuxuu afduubtay laba qof oo ugaarsato ahaa oo lagu Kala magacaabi jiray taraafabas oo nin ahaa iyo haweenay la oran jiray ray bayragsa, raqdooda iyo ruuxoodana dib looma arag.
Sanadkii 1953-dii wuxuu guri ay ka shaqaynaysay ka afduubtay haweenay lagu magacaabo efilayn haartilay, Aabbeheed ayaana dhowr jeer wacay qoyskii ay u shaqaynaysay balse waa la waayay oo meel ay gashay ayaa la garan waayay.
Sanadkii 1954-tii edwad wuxuu afduubtay haweenay kale oo lagu magacaabi jiray maariya hoogan, balse booliska ayaa rasaas ka helay goobtii uu falka afduubka ihi ka dhacay.
Sanadkii 1957-dii wuxuu afduubtay gabar lagu magacaabi jiray barniis waardan oo ku sugnayn goobteeda shaqo, balse booliska ayaa ogaaday inuu qofkii ugu dambeeyay gabadhii agteeda ka dhawaa uu ahaa edwad, waxayna toos u abbaareen gurigiisa.
Markii ay gudaha u kaleen waxay ku arkeen meydkeeda oo maqaarkii laga bixiyay qaadona ay agtaal, waxay la anfariireen falkaa argagaxa leh ee uu gaystay, maxaa yeelay lagama filayn inuu sidaa u arxan daranyahay oo maskiin aamusane ah ayaa loo haystay.
Gacanta ayaa lagu dhigay muddo 10 beri ah ayaa baaritaan lagu waday, balse afkiisa erayna waa laga soo saari waayay oo Shibta ayuu galay, hadalna waa laga waayay.
Maalmo ka dib ayuu go’aansaday inuu hadlo wuxuuna qirtay inuu asagu dilay dilay barniis, balse aanu Cid kale waxyeelo u gaysan, sidoo kale wuxuu sheegay in dhammaan meydadka gurigiisa laga helay ay ahaayeen kuwa uu magaalada ka soo ururiyay, balse aanu asagu dilin.
Baaritaanno faro badan ka Dib haddana wuxuu qirtay dilki maariya hoogan, balse wax faahfaahin ah kama aanu bixin qaabkii uu u khaarajiyay, wuxuuna sheegay inaanay maskaxdiisu caadi ahayn markii uu falkaa gaysanayay.
Midda la yaabka leh ayaa ahayd inuu dhowr jeer sheegay inuu meydadka iyo qabuuraha weheshado, booliska oo arrintaa laga dhakafaarsan ayaa dhaqaatiirta cilmi nafsiga ku wareejiyay si ay bedqabkiisa maskexeed u hubiyaan.
Natiijadii baaritaan ee dhaqaatiirtu waxay daboolka ka qaaday inuu miyir ahaan iyo caafimaad ahaanba aad u feecanhay, balse uu yahay qof damiirka ka dhintay oo aan waxba u Aabbeyeelayn.
Gurigiisa waxaa laga helay xubno jir bini’aadam ah oo googo’an, qaarkoodna si gaar ah loo saafay si waxyaabo kale looga farsameeyo.
Sidoo kale waxaa lagu arkay kuraas lagu xardhay madaxyo dad, majo sariiro lagu rakibay,maryo laga sameeyay maqaarka dadka,suuman laga sameeyay laabta ama xabadka dumarka, faynuus laga sameeyay waji bini’aadam iyo waxyaabo kale oo argagax leh.
Edwad dadka uu dhibaatada u gaystay intooda badani waxay ahaan deriskiisa iyo dadkii kale ee magaalada deganaa, maxaa yeelay kama aanay shakisanayn oo guryohooda ayuu iska soo gali jiray.
Maalin maalmaha kamida taariikhduna ay ahayd 1958-dii gurigiisa ayaa dab qabsay, waxaana saxaafadda qabsaday xogo arrintaa la xariira.
Ugu dambayn ninkii dhibkaas oo dhan gaystay lama toogan, xabsina lama galin ee waxaa la geeyay isbitaal dhinaca dhimirka ah oo uu inta noloshiisa ka Dhiman ku jirayo.
26-kii bishii juulay sanadkii 1984-tii Edwad jiin wuxuu ku geeriyooday isbitaalka, balse qisadiisana ayaa noqatay mid layaab leh oo buugaag badan laga qoray.