U bood dhigaalka

Midowga Yurub oo Sheegay Walaac Xooggan Ka Muujiyay Diidmada Israel ee Gargaarka Qaza

Sarkaal ka tirsan Masuuliyiinta arrimaha dibadda ee Midowga Yurub ayaa sheegay in ku guuldaraysiga in la fududeeyo gargaar la geeyo marinka ay ka dhigan tahay xukun dil ah oo lagu xukumay Falastiiniyiinta.

Sargaalkan oo kamida dublumaasiyiinta ugu sarreeya waaxda arrimaha dibadda ee ururka midowga yurub ayaa tilmaamay inay qasa ka jirto xaalad bini’aadantinimo oo aad u liita,islamarkaana loo baahanyahay in xaaladda cakiran ee marinka qasa ka jirta wax laga qabto.

Ku dhowaad 3 malyan oo marinka qasa ku namaste ayaa wajahaya dhibaatooyin baaxad leh oo ka dhashay dagaalka u dhexeeya Israa’iil iyo ururka Xamaas, dalalka iyo hay’adaha caalamiga ayaana ku baaqaya in la sameeyo xabbad-joojin degdeg ah si halkaa gargaar loo gaarsiiyo.

Khasaaraha dhisha dadka reer falastiin ayaa kor u dhaafaysa 34 kun oo ruux, halka boqolaal kun oo kale ay isugu jiraan dhaawac iyo kuwo la la’yahay, waxaana halkaa ka jirta xaalad bini’aadantinimo oo aad u liita, cuntada iyo dawooyinkuna waxay noqdeen kuwo hellidoodu adagtahay.