U bood dhigaalka

Hey’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha oo Digniino Kasoo Saartay Saameynta Roobabka Xilli Gu’ga

Hey’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka ee Dowladda Faderalka Soomaaliya ayaa digniin ka soo saartay saameynta iyo dhibaatooyinka ka dhallan kara Roobab aad u xooggan oo la saadaalinayo in 8-da maalmood ee soo socota ay ka da’aan magaalooyinka Beledweyne, Bu’aale, Garbahaarey iyo Baydhaba.

Digniintan ay hay’addu soo saartay ayaa si gaar ah loogula dardaarmay dadka barakacayaasha ah iyo kuwa nugul ee ku dhaqan magaalooyinkaas, waxaana loogu baaqay inay ka foojignaadaan waxyeelada roobabkaas ka dhalan karta.


Digniintan ayaa ku soo beegmaya xilli ay Roobabka Gu’gu meelaha badan oo dalka kamid ah ka curteen, maalmaha soo socdana la filayo inay mahiigaanno Kale dalka ka hooraan.