U bood dhigaalka

Dowladda Pakistan oo Tarxiishay Qaxooyi Kasoo Jeeda Afgaanistaan

Dowladda Pakistan ayaa lagu wadaa in ay bilowdo wajigii labaad ee qorshe muran badan dhaliyay oo qaxootiga Afgaanistaan ​​ee aan sharciga haysan dib loogu celinayo dalkooda, kuwaas oo dalkaan soo galay markii xukunka ay qabsadeen Taliban.

mas’uuliyiinta Pakistan ayaa qorshaynaya inay dalka ka saaraan in ka badan 800,000 oo Afgaanistaan ​​ah, ka dib markii ku dhawaad ​​541,000 lagu qasbay inay dalkooda ku noqdaan wajigii hore oo ku beegnaa bishii November ee sannadkii tagey.

qaxootiga reer Afgaanistaan wajahaya xarig iyo masaafurin, haddii aysan u hoggaansamin qorshahan ay waddo Xukuumadda Islaamabaad ee ayaga ka dhanka ah.

dowladda Pakistan ayaa sheegtay in ay jiraan ku dhawaad ​​4.4 milyan oo qaxoonti Afgaanistaan ​​ah, kuwaas oo lagu qiyaasay 1.73 milyan oo ka mid ah in aysan sharci haysan, amarka masaafurinta ayaana yimid xilli ay aad u kordheen weerarrada hubeysan ee ka dhacaya guud ahaan dalka Pakistan.

,dowladda Pakistan ayaa ku tilmaantay weerarradaas kuwo ay ka dambeeyaan kooxo fadhigoodu yahay Afgaanistaan, eedeyntaas oo ay diiday xukuumadda Taliban ee Afgaanistaan.