U bood dhigaalka

Wasiirka Dhallinyada Ciyaaraha Soomaaliya oo Libiya Uga Qeybgalay Shir Looga Hadlayo Hormarinta Dhallinyada

Sheeko:Cayaaraha

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha XFS Xil. Maxamed Bare Maxamuud iyo wefdi uu hogaaminaayo oo ay qeyb ka yihiin Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Md. Cabdiraxiin Warsame Diiriye iyo La taliye Fahad Cali Xasan ayaa magaalada Tripoli ee caasimadda dalka Libya kaga qeybgalay meertada 4aad ee shirka Wasiirrada Dhallinyarada iyo Cayaaraha ee dalalka ku mideysan Bulshada Sahel-Saharan states (CEN-SAD member states).

Shirkaan oo ay kasoo qeybgaleen Wasiirrada Dhallinyarada iyo Cayaaraha ee dalalka ku mideysan Bulshada Sahel-Saharan states ayaa looga dooday dhismaha Xarun Dhallinyaro (Youth Centre) oo caalami ah oo ay yeeshaan dalalka ku mideysan Bulshada Sahel-Saharan states, xaruntaas oo tababaro iyo xirfado u sameyn doonta Dhallinyarada ka soo jeeda dalalkaas.

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha XFS Xil. Maxamed Bare Maxamuud oo khudbad ka jeediyay shirka ayaa tilmaamay muhiimadda ay dhallinyarada Soomaaliyeed u leedahay dhismaha xarun dhallinyaro oo caalami ah taas oo sare u qaada aqoontooda iyo xirfadahooda iyo sida ay uga go’antahay Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha XFS inay dhallinyarada Soomaaliyeed kaga faa’ideyso fursadaha caalamiga ah oo ay ugu horeyso xaruntaam dhallinyaro oo ay si wadajir ah u yeelanaayaan dalalka ku mideysan Bulshada Sahel-Saharan states.

Ugu dambeyn, Wasiirka ayaa kaga mahadceliyay shacabka iyo dowladda dalka Libya, sida quruxda badan oo ay u marti-galiyeen meertada 4aad ee shirka Wasiirrada Dhallinyarada iyo Cayaaraha dalalka ku mideysan Bulshada Sahel-Saharan states, shirkaan oo sanadle ayaa waxaa inta badan lagu lafaguraa xaaladda iyo dhallinyarada iyo sare u qaadidda ciyaaraha.