U bood dhigaalka

Bannaanbaxyo Waaweyn oo Ka Socda Israel iyo Xukuumadda Netanyahu oo Wajahaysa Cadaadis

Tobanaan kun oo Israa’iiliyiin ah ayaa isu soo baxay iyagoo ku baaqaya in laga heshiiyo la haystayaasha guryahooda ka maqan , ka hor wadahadallo xabbad-joojin dheeraad ah oo ay suurtogal tahay in laga gaaro wadaxaajoodka ka socda Qaahira oo Masar, Qatar iyo Mareykanku garwadeenka ka yihiin.

 Dibad-baxayaasha Tel Aviv ayaa ku qeylinayay “dagaalku ma ahan mid muqadas ah, noloshu waa”, iyadoo qaar ka mid ah ay ku eedeeyeen Ra’iisul wasaare Benjamin Netanyahu inuu doonayo inuu sii dheereeyo colaadda Gaza, kaas oo galaaftay nolosha kumannaan reer Falastiinyiin ah oo shacab ah.

Hooyada dhashay mid ka mid ah maxaabiista ku sugan Marinka Qaza oo gacanta ugu jira Ururka Xamaas oo ka hadlaysay ayaa tiri: “Netanyahu waxa uu qaadayaa tallaabo kale oo uu kaga hortagayo heshiiska, wuxuuna ka sabab u noqanayaa in maxaabiista la dilo” taas ayaa kamid aheyd hooyo wiilkeeda la hayo.

Halka gabadha ay soddohda u tahay maxbuus kale oo ku sugan Qaza ay tiri, “Netanyahu waxa uu ka door bidayaa Wasiirada Amniga Qaranka Itamar Ben Gvir iyo Wasiirka Maaliyadda Bezalel Smotrich in aanu soo afjarno dagaalka oo aan maxaabiista soo ceshanno” maamulka Israel ayaa la kulmaya cadaasi ba’ah.

Waxay ku soo beegantay iyadoo wafdi ka socda Xamaas uu Sabtidii kula kulmay dhexdhexaadiyeyaasha Masar, Kooxdu waxay sheegtay inaysan jirin wax cusub oo soo kordhay, laakiin waxay raaciyeen “wareeg cusub ayaa bilaaban doona” Axadda maanta oo la filayo in dhinacyo dib isugu arkaan markale Qaahira.

Wada-xaajoodyada ayaa dib looga billaabay Qaahira wada-xaajood muddo dheer socday – oo ay labada la isku dayayo in la iskusoo dhoweeyo, kaas oo ay garwadeen ka ahaayeen Masar iyo Qatar – si loo hakiyo weerarka Israa’iil ee Gaza si ay u sii daayaan la haystayaasha Xamaas gacanta u galay 7-dii October 2023.

Maraykanka oo ah xulafada ugu weyn ee diblumaasiyadda iyo militariga ee Israa’iil – ayaa ka caga jiidaya in uu taageero duullaan cusub oo sababi kara khasaare weyn oo soo gaara dadka rayidka ah, wuxuuna ku adkaystay in uu arko qorshe lagu badbaadinayo marka hore Falastiiniyiinta soo barakacay Marinka Qaza.

Community Verified icon
Community Verified icon