U bood dhigaalka

Donald Trump ma Masaafurin Doonaa 20 Milyan oo muhaajiriin ah oo Soomaali ku jirto haddii mar kale la doorto?

Donald Trump ayaa sheegay in Maraykanku aanu keeni doonin ama aysan soo gali doonin dad ka yimaada Gaza, Suuriya, Soomaaliya, Yemen, Liibiya iyo meel kasta oo khatar ku ah ammaanka dalka Mareykanka.

Sida laga soo xigtay New York Times, madaxweynihii hore ayaa qorsheynaya inuu soo ururiyo dadka aan sharciga lahayn ee horey ugu sugnaa Mareykanka ka dibna uu ku sameeyo tarxiilintii ugu weyneyd Mareykanka taariikhdiisa.

New York Times ayaa sheegtay in musharaxa Jamhuuriga uu sidoo kale doonayo in uu soo nooleeyo oo uu balaadhiyo siyaasadiisa xuduudaha ,Waxaa ka mid ah mamnuucida soo gelitaanka dadka ka imaanaya wadamada muslimiinta u badan iyo diidmada sheegashooyinka magangaliyada.

Sida laga soo xigtay xafiiskiisa qorshuhu wuxuu beegsan doonaa ku dhawaad 4 milyan oo muhaajiriin ah oo kasoo gudbay xadka Mareykanka tan iyo markii uu xilka qabtay madaxweyne Biden 2021 kii.

Isagoo khudbad ka jeedinayay Clive, Iowa, wuxuu yiri, “Haddii aad ka imaaneyso meel ay ka buuxaan dad doonaya inay dilaan dadka Mareykanka, kuma ogolaan doono inaad soo gasho.” Wuxuu wacad ku maray, “Ma keeneyno cid ka timid Gaza ama Suuriya ama Soomaaliya, Yemen, ama Liibiya, ama meel kale oo khatar ku ah amnigeenna.”

Doorashada madaxtinimada Mareykanka ee 2024 waxay noqon doontaa doorashadii madaxtinimo ee 60aad, oo lagu wado in la qabto Talaadada, Noofambar 5, 2024.

Codbixiyayaashu waxay dooran doonaan madaxweyne iyo ku xigeen .

Madaxweynaha xilka haya Joe Biden, oo ah xubin ka Xisbiga Dimuqraadiga, ayaa mar kale u tartamaya doorashada, Madaxweynihii isaga ka horreeyay ee Donald Trump, oo ah xubin ka Xisbiga Jamhuuriga, ayaa u tartamaya mar labaad oo aan xiriir ahayn, ka dib markii uu isaga kaga guuleystay 2020.