U bood dhigaalka

Midowga Yurub oo Sheegay Iney Soo Afjari Doonaan Muranka Sanadaha Soo jiitamayay ee Kala Dhaxeeyay Poland

Bayaan uu soo saaray goluhu ayaa lagu sheegay in ay doonayaan in ay ka laabtaan habraaca wada shaqayneed ee labada dhinac ee hirgalay laga soo bilaabo December 2017 sida uu dhigayo qodobka 7 ee heshiiska Midowga Yurub, ka dib markii xukuumadda Warsaw ay qaaday tillaabooyin lagu soo celinayo madax banaanida garsoorkeeda.

Midowga Yurub Midowga Yurub in uu meesha ka saaro muranka sharciga ee kala dhaxeeya Poland ayaa ka dhalatay tillaabooyin dhowr ah oo ay qaaday xukuumadda dalkaasi, kuwaas oo wax looga qabanayo walaaca laga qabo madax-bannaanida garsoorka.

Ra’iisul wasaaraha cusub ee Poland ayaa ballan qaaday inuu kaalin feecan ka qaadan doono taageerada ee reer galbeedka ee Ukraine, dowladdu waxay shaqada ka ceyrisay madaxdii warbaahinta si loo helo warfiyeenno cusub oo mabaadii’da yurub la jaan qaadi kara.

Sidoo kale midowga Yurub ayaa bayaan ay soo saareen ku sheegay in Poland ay billowday tillaabooyin sharci-dejineed, islamarkaana ay hagaajisay hannaankeeda garsoorka si wax looga qabto walaaca laga qabo madax-bannaanida nidaamka cadaaladda.

“Poland waxay aqoonsatay mudnaanta sharciga Midowga Yurub, waxaana ka go’an fulinta xukunnada Maxkamadda Cadaaladda ee Midowga Yurub iyo Maxkamadda Xuquuqda Aadanaha ee Yurub”ayaa sidoo kale kale lagu yiri bayaanka.

Poland ayaa ku biirtay ururka midowga yurub sanadkii 2004-tii, balse waxaa jiray ismaan-dhaaf muddo dheer soo jiitamayay oo labada dhinac u dhexeeyay, kaas oo ku saabsanaa hannaanka garsoorka Poland oo ay midowga yurub sheegeen inuusan sharciyadooda la jaanqaadi karin.