U bood dhigaalka

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo wali ka socda Muqdisho

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maalintii 3-aad Shir gudoominaya shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo ka socda Muqdisho.

Shirka ayaa si aad ah loogu gorfeeyay maanta Amniga guud ee dalka, sidii loo qaadi lahaa dagaal wadajir oo lagu soo af-jarayo Shabaab, Siyaasadda guud ee dalka iyo arrimo kale.

Shirkaan waxaa ku sugan Madaxda maamulada iyo Gobolka Benaadir marka laga reebo Puntland.

Ugu dambeyn dhammaadka shirka ayaa la sugayaa in laga soo saaro war-murtiyeed bulshada Soomaaliyeed u qeexayo go’aanada lagu gaaray.