U bood dhigaalka

Shir-madaxeedka Dalalka Jaamacadda Carabta oo Lagu Soo Gabagabeeyay Dalka Bahrain

Shir Madaxeedka dalalka Jaamacadda Carabta meertadiisa 33-aad oo lagu soo gabagabeeyay dalka Baxreyn ayaa mar kale lagu xaqiijiyay bayaan laga soo saaray in ay si hagar la’aan ah u taageersan yihiin madax-bannaanida, iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyo midnimada Soomaaliya si loo ilaaliyo madax-bannaanideeda iyo ka hortagga tallaabo kasta oo wax u dhimi karta.

Sidoo kale wadamada Jaamacadda Carabta waxay muujiyeen sida ay u taageersan yihiin dadaallada dowladda Soomaaliya ay ugu jirto la dagaallanka Khawaarijta, sugidda amnigeeda, xasilloonida, iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha dalka.

R’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre oo ka qaybgalay shirkaan, ayaa madaxda kale la wadaagay dadaalada iyo horumarka weyn ee dowladda ka gaartay dagaalka Argagixisada, sugida amniga iyo hormatinta dhaqaalaha iyo dowladd wanaaga.