U bood dhigaalka

War-murtiyeed Laga Soo Saaray Shirka Golaha Watashiga Qaran oo Muqdisho Kusoo Idlaaday

Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa dowlad gobolleedyada oo maalmahan shir uga socday magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka ayaa soo saaray war murtiyeed ka kooban dhawr qodob.

Shirka madasha oo uu guddoominayay madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayana ka qeyb-galeen madaxda dowlad gobolleedyada Jubbaland, koofur galbeed, Galmudug, Hirshabeelle, Ra’iisul Wasaare ku xegeenka dalka, iyo Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa laga soo saaray war murtiyeed ka kooban 4 qodob.

Ugu horrayn bayaanka ka soo baxay shirka waxaa lagu faahfaahiyay warbixinno kala duwan oo madaxdu ay ka dhageysteen Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo, iyo saraakiisha amniga dalka, waxaana lagu caddeeyay muhiimadda ay leedahay xoojinta dagaalka kooxda Alshabaab.

Shirka ayaa sidoo kale soo dhoweeyay wax ka badelkii lagu sameeyay qodobbo kamida dastuurka dalka, waxayna bogaadiyeen waxyaabihii dowladda u qabsoomay oo ay kamid tahay qaadiddii cunaqabataynta hubka, iyo guulaha ay ciidanka xoogga dalku ka soo hooyeen dagaalka kooxda Alshabaab, ayadoo dhanka kale dowladda lagu bogaadiyey dadaalka ay ugu jirto ka mid noqashada golaha ammaanka Qaramada Midoobay.

War murtiyeedka waxaa kaloo lagu sheegay in goluhu uu isku raacay in la dhaqan-geliyo heshiisyadii horey loo galay, sidoo kalena xaaladaha bini’aadantinimo ee ka dhashay roobabka wax laga qabto, laguna dadaalo ka hortagga masiibooyinka ka dhalan kara fatahaadaha laga cabsi qabo inay meelaha qaar ka dhacaan.