U bood dhigaalka

Ciidanka Xoogga iyo Kuwa Deegaanka oo Howlgal Ka Fuliyay Deegaanno Ka Tirsan Galmudug

Howl-gal ay ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dib u xoreynta deegaanku ka fuliyeen aagga deegaanka Mesewagaa ee gobolka Galgaduud ayaa cagta lagu mariyey tuulooyin iyo dhul howd ah oo ay xubno kooxda Alshabaab ka tirsani ku sugnaayeen sida ay sheegtay warbaahinta ku hadasha ciidamada qalabka sidaahi.

Deegaanada ay ciidamadu tageen waxaa ka mid ah deegaanka Dhagaxyaale oo 18-KM u jira magaalada Mesegawaa,dhanka galbeedna kaga beegan, waxaana halkaas lagu burburiyey godadkii ay gabaadka ka dhiga jireen kooxda Alshabaab.

Howl-galada ka dhanka ah Alshabaab oo ay ciidanka xoogga iyo dadka deegaanku wadaan ayaa kordhay todobaadyadii la soo dhaafay, ayadoo dhowaan la filayo inuu billowday wajiga labaad ee dagaalka Alshabaab ee uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya horey ugu dhawaaqay.