U bood dhigaalka

Guddiga Cunaqabateynta Golaha Ammaanka oo Liiska Cunaqabateynta Ku Daray Saddex Xubnood


Golaha ammaanka ee qaramada Midoobey ayaa cunaqabateyn kusoo rogay xubno ka tirsan ururka Al Shabaab oo ay ku eedeeyeen in ay qeyb ka yihiin dhibaatooyinka kooxda ay ka waddo Soomaaliya.

Abdukadir Mohamed Abdukadir oo ah sarkaal sare oo ka tirsan Shabaab, islamarkaana dhashay 1980 kuna sugan degmada Jilib iyo agagaarkeeda ayaa ka mid ah dadka lagu daabacay bogga golaha ammaanka ee cunaqabateynta.

Ninkaan ayaa lagu eedeeyay ka qayb qaadashada maalgelinta, qorsheynta, fududaynta, diyaarinta, ama fulinta howlaha Shabaab. Ninkaan ayaa ka mid ah dadka leh go,aamada sida golaha uu sheegay.

Maxamed Maxamuud Mire oo Golaha Ammaanka ay sheegeen in uu ku sugan yahay gobollada Shabeellaha Hoose iyo Jubbooyinka ayaa ka mid noqday dadka lagu soo rogay cunaqabateynta.

Ninkaan ayaa dhashay 1962. Waxaa uu Shabaab u qaabilsan yahay carqaladeynta geedi socodka nabada Soomaaliya ee howlaha ay waddaan ciidanka dowladda Soomaaliya.

Maxamed Cumar Maxamed ayaa golaha ammaanka kusoo eedeeyay in uu ahaa waaliga Shabaab ee Diinsoor. Ninkaan waxaa lagu eedeeyay in halis ku yahay ammaanka deeganada maamulka Koonfur Galbeed. Waxaa uu si weyn uga qeyb qaatay maalinta Shabaab. Ninkaan ayaa ka mid noqday dadka lagu soo rogay cunaqabateynta dhaqaalle.

Golaha ammaanka ayaa kusoo rogay cunaqabeyn dhinac walba ah. Waxa ay ku tilmaameen raggaan kuwo halis badan. Waxa ay ka digeen in lala macaamilo.