U bood dhigaalka

Madaxweyne Ku-xigeenka Jubbaland oo Kormeer Ku Tagay Xero Lagu Tabarayo Ciidan Daraawiishta Ka Tirsan

Madaxweyne ku xigeenka koobaad ee dowlad goboleedka Jubaland mudane Maxamuud Sayid Aaden oo ku sugan degmada Ceelwaaq ee Gobalka Gedo ayaa booqday ciidan cusub oo dhawaan tababar loosoo xiray, kuwaas oo loo diyaariyay inay ka qeyb qaataan sugidda Amniga iyo howl-gallada ka dhanka kooxda Alshabaab

Madaxweyne ku xigeenka oo la hadlay ciidanka cusub ee Daraawiishta Jubaland, ayaa kula dardaarmay inay u diyaar garoobaan howl-agalada lagula dagaalamaya kooxda Alshabaab, isagoo sheegay inay la garab taagan yihiin wax kasta oo ay ubaahan yihiin.

Jubbaland ayaa kamida meelaha ay kooxda Alshabaab deegaanada badan ka joogaan, waxaana la filayaa in wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Alshabaab uu dhowaan ka billowday.