U bood dhigaalka

Hey’adda UNHCR iyo NRC oo Magaalada Qardho Ka Hirgeliyay Guryo Loogu Talogalay Qaxootiga

Dawlad Gobaleedka Puntland oo kaashanaysa hay’adaha UNHCR iyo NRC ayaa 78 guri iyo musqulahooda oo ay u raacaan xarumaha bixiya adeegyada bulshada sidda caafimaadka, waxbarashada iyo biyaha oo hay’ado kale ay dhismahooda taageereen waxay ku wareejisay qoysas isugu jira barakacayaal iyo qaxooti mudo dheer ku noolaa magaalada Qardho.

Guryahaan ayaa qayb ka ah mashruuca xalka waara, kaas oo mudo dheer ka shaqaynayay deegaanada Puntland, kaas oo ujeedadiisu ay tahay in dadka barakacayaasha ah iyo qaxootigga ay noqdaaan kuwa deegaan ah oo is-dhexgal la sameeya bulshada ay mudada dheer la nool-yihiin.

Masuuliyiin ka socotay hay’ada UNHCR oo uu hogaaminaya madaxa xafiiska ee Somalia, Madaxda hay’ada NRC ee Puntland, wasiir ku xigeenka wasaarada arimaha gudaha Puntland, maamulka degmada Qardho iyo kan gobolka Karkaar, ka faa’ideystayaasha mashruucaan ayaa goob-joog ka ahaa munaasabada lagu wareejinayay guryahaan cusub ee la dhisay.

Ugu horeyn Cabdilaahi Cumar Maareeyaha NRC Puntland, madaxa hay’ada UNCHR Somalia Mr Chales Mballa, iyo madaxa UNHCR ee Puntland Iyo Galmudug Mrs Wanjiru ayaa sheegay in guryahaan ay meesha ka saarayaan baahidii ay qabeen barakacayaasha iyo qaxootiga, hada ka dibna ay heli doonaan hoy iyagu ay mulkiyadiisa leeyihiin, waxayn xuseen in wixii karaankooda ay wax ka qaban-doonaan baahiyaha jira.

Gudoomiyaha degmada Qardho,Taliyaha qaybta booliska ee gobolka, iyo wasiir ku xigeenka wasaarada arimaha gudaha Puntlan ayaa dadka kula dardaarmay inag ka faa’ideystayaasha guryahan cusub ee lagu wareejiyay.