U bood dhigaalka

Ciidanka Booliiska oo Gacanta Kusoo Dhigay Dhillinyaro Ku Eedeysan Dilka Wadareed Ka Dhacay Muqdisho

Ciidanka Booliska saldhigyada degmooyinka Dharkeenley iyo Wadajir ayaa howlgal ay sameeyeen kusoo qabtay 9 dhallinyaro ah oo ku eedeysan dil wadareed ay u geestay wiil dhallinyaro ah oo agu dilay degmada.

Marxuum la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cabdimaalik Cali Cismaan oo 18 jir ahaa, sida uu shaaciyey taliska qeybta guud ee booliska gobolka Banaadir.

Qoraal kasoo baxay Booliiska ayaa lagu sheegay “Dadkaan waxaa ku socota baaris, waxaana la horgeyn doonaa Maxkamadda awoodda u leh.

Muwaadin hadii aad lakulanto fal danbiyeed ama uu kusoo gaaro waxaad la xariirtaa xafiiska gurmad ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ee 991 ama kusoo hagaaji [email protected].” Ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay taliska booliska gobolka Banaadir.