U bood dhigaalka

Ergayga Madaxweynaha ee Arrimaha Caafimaadka oo Kulan La Qaatay Madaxa hay’adda UNOCHA

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan Arimaha Caafimaadka & Nafaqada Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Nuur ayaa magaalada muqdisho kulan kula yeeshay madaxa xafiiska hay’adda UNOCHA ee Soomaaliya Mr Crispen Rukasha.

Kulanka ayaa waxaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iyo wada shaqeynta labada xafiis iyo sidii loo horumarin lahaa xiriirka caafimaadka & Nafaqada Soomaaliya.

Caafimaadka ayaa kamid ah adeegyada muhiimka u ah nolosha bulshada, kaas oo Soomaaliya hormar weyn ka sameysay sanadihii la soo dhaafay, inkastoo tayada aqooneed iyo qeymaha xarumaha qaarkood ay bukaanada ka qaadaan aad loo dhaliilo.