U bood dhigaalka

Khilaafka Itoobiya iyo Soomaaliya Maxaa Laga Filan Karaa Mustaqbalka Dhow?

Intaa ka dib hadal-hayntii arrintaas ku saabsanayd ayaa hoos u dhacday, ayadoo taas lagu macneeyay in maamulka Abii Axmed uu ku guuldareystay inuu damaciisa hirgeliyo, islamarkaana uu doonayo inuu gabi ahaanba doonistaas ka tanaasulo, balse xeeldheereyaasha qaarkood ayaa qaba in Itoobiya ay raadinayso qorshe kale oo ay dameceeda mira-dhal uga dhigayso.

Aqoonyahan Faysal Rooble oo falanqeeya arrimaha Itoobiya, islamarkaana ka qeyb-galay dood uu qabtay TV-ga Goobjoog ayaa sheegay in lixda bilood oo soo socata la filan karo in dowladda dalkaasi ay qaado tillaabooyin waaweyn oo arrinta badda ku saabsan.

Wuxuu tilmaamay in laga yaabo inay qorshe nabadeed wax ku raadiyaan, ayagoo ka faa’iidaysanaya ku biirista urur goboleedka iskaashiga shaqaalaha bariga Afrika, ayna sharci u helaan maamulidda qeybo kamid ah badda Soomaaliya.

Wuxuu intaa ku daray in lataliyaashiisa sar sare ay Abii Axmed ku riixayaan inuu arrintan tillaabo militariga ku dayo oo uu meesha ugu dambeysa gaarsiiyo, taasoo uu sheegay inaysan fududayn, balse Abii laga filan karo.

Mar wax laga weydiiyay dhanka Soomaaliya tillaabada u furan haddii ay Itoobiya isku daydo adeegsiga awood ciidanka ayuu sheegay in dowladdu ay haysato fursado badan oo ay arrintaas uga jawaabayso sida in ciidankeeda dalka laga saaro, in la xiro safaaraddeeda, hawada isticmaalkeeda laga joojiyo, iyo ugu dambeyn dagaal toos ah lala galo.

Si kastaba ha ahaatee dowladda Soomaaliya ayaa meel adag iska taagtay damaca Itoobiya ee ku aaddan badda, waxayna dhowaan sheegtay in ciidanka dalkaasi aanay dalka sii jooji doonin wixii ka dambeeya bisha December ee sanadkan.