U bood dhigaalka

Madaxweynaha Hirshabeelle oo Kulan La Qaatay Wakiillo Ka Socda Dowladda Mareykanka

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa magaalada Jowhar kula kulmay wakiilo ka socday safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya oo Jowhar ka hirgelinaya xarun ay leeyihiin ciidamada Danab.

Madaxweyne Cali Guudlaawe oo kulanka ka dib hadlay ayaa faahfaahin ka bixiyay waxyaabihii ay labada dhinac ka wada hadleen, asagoo xusay in laysla soo qaaday in Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Danab ay xarun ku yeeshaan deegaanada Hirshabeelle.

“Danab inay xarun ciidan ku yeeshaan Hirshabeelle waxa ay wax weyn ka tari doontaa dagaalka lagu dhameystirayo Kooxda Alshabaab, waxaana si rasmi ah ugu wareejiyay dhulkii ay xarunta ka dhisan lahaayeen,” ayuu yiri Madaxweyne Cali Guudlaawe.

Kulankan ayaa ku soo beegmaya xilli dhowaan la filayo in Hirshabeelle iyo Galmudug uu ka billowdo wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah kooxda Alshabaab.