U bood dhigaalka

Imtixaanka Shahaadiga ee Fasalka 8-aad oo Ka Furmay Maanta Inta Badan Gobollada Dalka

Sheeko:Waxbarashada

Imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8-aad ayaa ka billowday dowlad gobolleedyada Jubbaland, Galmudug iyo Hirshabeelle, waxaana u fariistay kumanaan ardayda ah oo deegaanadaas ku nool oo u gudbaya dugsiga sare.

Madaxweynaha Dowladda Jubbaland mudane H.E Ahmed Mohamed Islaam ayaa saaka si rasmi ah u daah-furay Imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8-aad ee deegaanada Jubbaland.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee dowlad Jubbaland Cabdinaasir Seeraar Maax, Agaasimaha guud ee Wasaaradda iyo masuuliyiin kale ayaa goobjoog ka ahaa daahfurka Imtaxaanka fasalka 8-aad oo Madaxweynahu uu ka daahfuray Dugsiga Hoose iyo dhexe ee Ganaane.

Imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8-aad ee sanadkan ayaa waxaa dhammaan deegaanada Jubaland ka galaya Arday gaaraysa 4,357 kuwaas oo isugu jira Wiilal iyo Gabdho.

Dhanka kale wasiirka waxbarashada Galmudug Maxamed Xaashi Dhoore ayaa magaalada Cadaado ka daahfuray Imtixaanka fasalka 8-aad ee deegaanada Galmudug, ayadoo tirada ardayda sanadkan u fariistay ay gaarayso 6,715 arday oo ku kala sugan 17 degmo oo dowlad gobolleedkaas ka tirsan.

Sidoo kale wasiirka Waxbarashada Hirshabeelle Siciid Hagar Camalow ayaa magaalada Beledweyne ka daah-furay Imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8-aad ee deegaanada dowlad gobolleedkaas, waxaana sanadkan u fariistay 5,228 arday oo ku kala sugan 13 degmo.

Wadarta guud ee ardayda maanta Imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8-aad u farriisatay ayaa ah 16,300 oo arday, ayadoo Imtixaankii ardayda gobolka Banaadir iyo Koonfur Galbeed dib loo dhigay.