U bood dhigaalka

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐝𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐚𝐬𝐭𝐮𝐮𝐫𝐤𝐚 𝐗𝐅𝐒 𝐨𝐨 F𝐚𝐚𝐡 𝐟𝐮𝐫𝐚𝐲 𝐥𝐚𝐭𝐚𝐬𝐡𝐢𝐲𝐚𝐝𝐚 𝟓𝐭𝐚 𝐜𝐮𝐭𝐮𝐛 𝐝𝐢𝐛-𝐮-𝐞𝐞𝐠𝐢𝐬𝐭𝐨𝐨𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐃𝐚𝐬𝐭𝐮𝐮𝐫𝐤𝐚 𝐊𝐌𝐆.

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS Mudane 𝐗𝐚𝐬𝐚𝐧 𝐌𝐚𝐜𝐚𝐥𝐥𝐢𝐦 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐮𝐮𝐝 oo kulan fogaan arag ah la yeeshay wasiirada Dastuurka ee dowladaha xubnaha ka ah dowlada federaalka ayaa daahfuray bilaabidda la-tashiyada shanta cutub ee hadda lagu sameeynayo dib-u-eegista farsamo kuwaas oo laga fulinaayo dowladgoboleedyada dalka. Kulanka waxaa kasoo qeyb galay wasiirada Dastuurka Galmudug, Hirshabelle,Koonfur Galbeed iyo Agaaasimaha Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Jubbaland.

Wasiirka ayaa ugu horreyn uga mahadceliyay dhammaan wasiirada dastuurka dowlad goboleedyada doorkooda wanaagsan ee ku aadan dib-u-eegista Dastuurka iyo wadashaqaynta Wanaagsan ee kala dhaxaysa Wasaaradda Caddaaldda iyo Arrimaha Dastuurka XFS.Wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda la-tashiyada dastuurka ay u leeyihin isagoo sheegay in bulshada ay leeyihiin dastuurka ayna muhiim tahay in laga qeyb galiyo, oo ay helaan fursad ay ku dhiibtaan aragtidooda.

Dhanka kale,Wasiirada Dastuurka Dowladaha Xubnaha ka ah dowlada Federaalka ayaa dhankooda bogaadiyay doorka Wasaaradda iyo labada Guddi ee dastuurka ee ku aadan dhammaystirka dastuurka iyagoo sheegay in ay ka mahadcelinyaan daahfurka uu wasiirka cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurku u sameeyay maanta latashida ballaadhanee dhawaan bilaaban.

Wasiirada kasoo qeyb galay kulanka waxay isku raaceen dhammantood in latashida dadweynaha laga fuliyo goobo cusub oo aan horay loo gaarin si fursad u helaan bulshada ku dhaqan dhammaan magaalooyinkaas kala gadisan ee dalka ee an horay u helin fursadda ka qeyb-galka dib-u-eegista dastuurka ayada oo ay dhawaan bilaabanayaan latashiyo ballaaran oo lagu dardar galinaayo dib-u-eegista dastuurka.

Wasiir Xassan Macallim oo kulan soo xiray ayaa ku bogaadiyay wasiirada dastuurka in ay daajiyaan la tashiyada dastuurka islamarkaana ay soo aruuriyaan aragtida dadweynaha kadibnaay u soo gudbiyaan hay’adaha u xilsaaran dib-u-eegistadastuurka ee heer federaal.