๐๐๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐ ๐๐๐๐๐๐ฅ๐๐๐๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐ซ๐ซ๐ข๐ฆ๐๐ก๐ ๐๐๐ฌ๐ญ๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ค๐ ๐๐ ๐ ๐จ๐จ F๐๐๐ก ๐๐ฎ๐ซ๐๐ฒ ๐ฅ๐๐ญ๐๐ฌ๐ก๐ข๐ฒ๐๐๐ ๐๐ญ๐ ๐๐ฎ๐ญ๐ฎ๐ ๐๐ข๐-๐ฎ-๐๐๐ ๐ข๐ฌ๐ญ๐จ๐จ๐๐ ๐๐ ๐๐๐ฌ๐ญ๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ค๐ ๐๐๐.
Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS Mudane ๐๐๐ฌ๐๐ง ๐๐๐๐๐ฅ๐ฅ๐ข๐ฆ ๐๐๐ฑ๐๐ฆ๐ฎ๐ฎ๐ oo kulan fogaan arag ah la yeeshay wasiirada Dastuurka ee dowladaha xubnaha ka ah dowlada federaalka ayaa daahfuray bilaabidda la-tashiyada shanta cutub ee hadda lagu sameeynayo dib-u-eegista farsamo kuwaas oo laga fulinaayo dowladgoboleedyada dalka. Kulanka waxaa kasoo qeyb galay wasiirada Dastuurka Galmudug, Hirshabelle,Koonfur Galbeed iyo Agaaasimaha Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Jubbaland.
Wasiirka ayaa ugu horreyn uga mahadceliyay dhammaan wasiirada dastuurka dowlad goboleedyada doorkooda wanaagsan ee ku aadan dib-u-eegista Dastuurka iyo wadashaqaynta Wanaagsan ee kala dhaxaysa Wasaaradda Caddaaldda iyo Arrimaha Dastuurka XFS.Wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda la-tashiyada dastuurka ay u leeyihin isagoo sheegay in bulshada ay leeyihiin dastuurka ayna muhiim tahay in laga qeyb galiyo, oo ay helaan fursad ay ku dhiibtaan aragtidooda.
Dhanka kale,Wasiirada Dastuurka Dowladaha Xubnaha ka ah dowlada Federaalka ayaa dhankooda bogaadiyay doorka Wasaaradda iyo labada Guddi ee dastuurka ee ku aadan dhammaystirka dastuurka iyagoo sheegay in ay ka mahadcelinyaan daahfurka uu wasiirka cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurku u sameeyay maanta latashida ballaadhanee dhawaan bilaaban.
Wasiirada kasoo qeyb galay kulanka waxay isku raaceen dhammantood in latashida dadweynaha laga fuliyo goobo cusub oo aan horay loo gaarin si fursad u helaan bulshada ku dhaqan dhammaan magaalooyinkaas kala gadisan ee dalka ee an horay u helin fursadda ka qeyb-galka dib-u-eegista dastuurka ayada oo ay dhawaan bilaabanayaan latashiyo ballaaran oo lagu dardar galinaayo dib-u-eegista dastuurka.
Wasiir Xassan Macallim oo kulan soo xiray ayaa ku bogaadiyay wasiirada dastuurka in ay daajiyaan la tashiyada dastuurka islamarkaana ay soo aruuriyaan aragtida dadweynaha kadibnaay u soo gudbiyaan hayโadaha u xilsaaran dib-u-eegistadastuurka ee heer federaal.