U bood dhigaalka

Baarlamaanka Jubbaland Waxkabadel Ku Sameeyay Dhowr Qodob oo Dastuurka Maamulka ah

Baarlamaanka Jubalaand oo wax ka badel ku sameeyay dastuurka maamulkaas ayaa meesha ka saaray qodobo dhowr ah, islamarkaana kuwo kale dib u eegis ku sameeyay oo hab kii hore ka duwan u dhigay.

Qodobada ay mudaneyaashu wax ka badeleen ayaa waxaa kamid ah inta jeer ee uu madaxweynuhu tartami karo iyo magaca rasmiga ah ee loogu dhawaaqayo hannaanka maamul ee deegaanadaas ka arrimiya.

Erayga “dowlad Goboleed” oo ay la wadaagaan dhammaan ismaamullada kale ee dalka ayay sheegeen in la badelay oo laga dhigay dowladda jubbalaan, islamarkaana aan maanta ka dib “goboleed” la oran doonin.

Tillaabadan ayaa u muuqata mid sii cakiraysa isku haysiga hannanka Federaalka oo laysku maandhaafysanyahay awoodaha labada heer dowladood, magaca loogu dhawaaqayo ismaamullada iyo hoggaankooda, iyo maaamulka guud ee dalka oo arrimaha qaar is qab-qabsi hareeyay.