U bood dhigaalka

Shir Ku Saabsan Arrimaha Qaxootiiga oo Ka Dhacay Magaalada Bosaaso ee Gobolka Bari

Waxaa magaalada Boosaaso gaar ahaan Xafiiska Duqa Degmada ka qabsoomay shir u dhexeey Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyada dowlad gobolleedka Puntland, iyo Hay’adda Qaxootiga Adduunka (UNHCR) Xafiiskeeda Boosaaso.

Shirka ayaa diiradda lagu saaray dardar galinta shaqooyinka arrimaha Qaxootiga, Magangalyo-doonka iyo Barakacayaasha ku dhaqan magaalada Boosaaso, waxaana goob joog ka ahaa Masuuliyiinka ka tirsan Wasaraada Arimaha Gudaha federaalka Dimuqraadiyeynta Puntland iyo Dowlada Hoose ee Degmada Boosaaso.

Waxaa shirka kasoo baxay
In horey loo sii wado diiwaan-galinta magan-galyo doonka, wacyigalinnona laga sameeyo muhaajiriinta kusoo qulqulaya gudaha Puntland.

Magaalada Boosaaso ayaa kamid ah meelaha ay soo galootiga iyo qaxootiga dalka soo galaa ku noolyihiin, ayadoo Itoobiyaan, Yemeniyiin, iyo dadyow kale ay joogaan, sidoo kalena barakacayaal gudaha ah ayaa ku dhaqan.