U bood dhigaalka

Maxaa Kasoo Kordhay Dadaallada Baadgoobka Diyaaraddii Madaxweyne ku-xigeenka Malawi ee La Waayay?

Hawlgallada goobidda iyo samatabbixinta ayaa sii socon doona ilaa laga helayo diyaaraddii la la’yahay ee uu la socday madaxweyne ku xigeenka Malawi, Saulos Klaus Chilima, sida uu sheegay madaxweynaha dalkaasi.


Chilima, oo 51 jir ah, ayaa la socday diyaarad militari oo ay la socdeen sagaal qof oo kale oo ka soo ambabaxday Lilongwe, caasimadda, 09:17 subaxnimo Xafiiska Madaxweynaha iyo Golaha Wasiirada Malawi ayaa bayaan hore ku sheegay.


Waxa ay sheegtay in dadaallo ay sameeyeen maamulka duulista oo ku saabsanaa in xiriir lala sameeyo diyaaradda tan iyo markii ay ka baxday raadaarka uu fashilmay. Diyaaradda ayaa lagu waday inay ku degto garoonka Mzuzu 10:02 subaxnimo.


Diyaaradda waxaa u suurtageli weyday inay ku degto garoonka, sababo la xiriira cimilo xumo, waxaana lagu amray inay dib ugu laabato caasimadda, ayuu madaxweyne Lazarus Chakwera ku sheegay khudbad uu telefiishanka kula hadlay shacabka.


“Waxaan hayaa rajo kasta oo ah inaan heli doonno kuwa badbaaday, Waxaan amar adag ku bixiyay in howlgalka uu sii socdo ilaa laga helayo diyaaradda” ayuu yiri madaxweynaha Malawi.
Wuxuu sheegay in Malawi ay la xiriirtay dalalka deriska la ah, iyo Mareykanka, Britain, Norway iyo maamulka Israel si ay gacan uga geystaan gurmadka.