U bood dhigaalka

Xubno Ka Tirsan Al-shabaab oo Isku Dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka Qeybta 60-aad ee KGS

Xubno ka tirsan kooxda Alshabaab ayaa isku soo dhiibay ciidanka xoogga dalka ee ku sugan deegaanka Goof guduud ee gobolka Baay, waxaana soo dhoweeyay ciidanka xoogga iyo Daraawiishta Koonfur Galbeed.

Xubnahan ayaa waxaa kamid ah Cali xasan Cali oo loo yaqaano ( Cali Dheere ) oo isku Soo Dhiibey Taliska Ururka 47-aad Ee Guutada 8-aad Ee Qeybta 60-aad CXDS Ee Fadhigeedu Yahay Degaanka goof gaduud Buurey.

Ninkani wuxuuna Tababaro kala Duwan ku soo Qaatey Gobalada Baay iyo Sh/Dhaxe wuxuuna Dagaalo dhowr ah ka qeyb qaatey oo ka dhacay Degmooyinka Aadan yabaal Masaajid Cali Gadud Iyo Qeybo kamidah Mudug iyo Gal- Gaduud .

Wuxuuna Maleshiyada Al Shabab Kujirey Mudo Kabadan 12 sano sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay mas’uuliyiinta Wasaaradda Gaashaandhigga.

Maxamed Deeq Abdullahi Cali Ayaa Asna Saaka isku Soo Dhiibey Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyed oo Fadhigeedu yahay Degaanka Goof-gaduud Buurey Haraaw Ee Gobalka baay oo ay kusugan yihiin Cutubyo Katirsan Taliska Ururka 47-aad Ee Guutada 8-aad Qeybta 60-aad Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyed.

Maxamed Deeq wuxuu Maleshiyada Al Shabaab Tababaro ugu Sooqatey Degaanka 20 jirow Ee Gobalka Baay wuxuuna u qaabilsanaa Baada Shacabka Soomaaliyeed .

Ugu Dambeyn Cali Xasan iyo Maxamed Deeq ayaa Siwadajir ah Saxibadooda Duurka jira ka codsadey in ay isku Soo Dhiibaan Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyed.