U bood dhigaalka

Hogaamiyihii Ugu Sareeyay Daacish ee Soomaaliya oo Lagu Bartilmaameedsaday Duqaymaha Cirka ee Maraykanka

Duqayn uu Maraykanku ka fuliyay Soomaaliya ayaa dabayaaqadii bishii May ayaa la beegsaday hoggaamiyaha ugu sarreeya Kooxda Daacish ee Soomaaliya, balse ma cadda in hoggaamiyahaasi lagu dilay duqayntaas, sida ay sheegeen saraakiil Maraykan ah.

Cabdulqaadir Muumin ayay Mareykanku u aqoonsadeen inuu yahay madaxa kooxda Daacish ee Soomaaliya, oo xiriir la leh kooxda argagixisada ah ee Daacish.

Bayaan ka soo baxay Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa lagu shaaciyay in 31-kii May ay duqeyn cirka ka fuliyeen gobolka Bari duqeyntaasi oo lagu dilay Saddex Maleeshiyaad ah oo gacan saar la leh Kooxda Daacish. War saxaafadeedka laguma sheegin xog dhab ah oo ku saabsan cidda sida gaarka ah loogu bartilmaameedsaday duqeynta.

Saddex sarkaal oo Maraykan ah ayaa ABC News u xaqiijiyey in bartilmaameedka duqaynta uu ahaa hoggaamiyaha ugu sareya kooxda Daacish ee Soomaaliya oo ay xarunta qaran ee la dagaalanka argagixisada (NCTC) ku sheegtay Muumin.

Si kastaba ha ahaatee, saraakiisha Mareykanka ayaa sheegay in aysan kala cadeyn in Muumin lagu dilay duqeynta.

Sarkaal kale oo mareykan ah ayaa xaqiijiyay in u badan tahay in howlgalka uu guul kusoo dhamaaday.

Sida ay sheegeen Saraakiisha Mareykanka wali waxaa socda xaqiijinta warka ku saabsan waxyeelada soo gaartay hoggaamiyaha Daacish.

NBC News ayaa markii ugu horeysay sheegtay in Muumin uu ahaa bartilmaameedka duqeynta 31-kii May, isla markaana uu noqday hogaamiyaha caalamiga ah ee Daacish.