U bood dhigaalka

Maxaa Ka Ogtahay Maalmaha Ciidda iyo Suugaanta Lagu Madadaalsado

Inta lagu jiro maalmaha farxadda iyo rayn raynta leh ee ciidda kasokow damaashaadka, dabbaaldegga iyo dalxiiska waxaa jirta suugaan laysku madadaaliyo dharaarahaas, oo inta badan bulshadu ay dhageystaan.

Waxaa kamid ah heesta ay mireheedu ku sar go’aan “Alla maanta ayaanta iyo ciidda wanaagsan, illaahii ina siiyay asagaa ku abaal leh”, oo uu qaadi jirey hoobalkii codka dahabiga ah lahaa ee maxamed suleymaan tubeec rabbi naxariistii janno ha ka waraabiyee.

Fannaanad weyn ee Maryann mursal ciise ayaa ayana luuqdeeda naaxiyadda ku miisan ee layaabka leh ku qaaday heesta caanka ah ee ay dhextaalka u tahay “waa ciide ciida haloo cayaaro maanta.
“Maanta cadar iyo aanu maaweel isku marinnoo mushmushaaxnee maalintaa weyn yaan la moogaan” ayaa kooro ama sargo’ u ah heestan kale ee quluudda leh, islamarkaana uu qaaday hoobolkii Xasan Diiriye Faarax Allaha u naxariistee.

Boqoraddii codka xaliimo khaliif magool iyo hoobalkii maxamed Yuusuf rabbi ha u wada naxariistee ayaa jeer si wadajir ah qaaday heestan ka billaabmaysa “ku wada ciida caafimaad san”.

“Damaashaadka daawada ciidda u dabaaldegga” waa erayadii Allaha u naxariistee Abwaankii sida dayaxa ugu dhex muuqday bahda fanka Soomaaliyeed Abwaan Xasan Sheekh Muumin, waxaana qaaday fannaanadii codka dareen taabadka ah lahayd ee khadiijo maxamed qalanjo.
Allaha u naxariistee Hoobaalkii codka baxsanaa ee Axmed naaji Sacad ayaa asna qaaday heesta ay dadka suugaanta daneeyaahi aad u jecelyihiin ee “waa ciida ciida umdaha islaamkow samaan Ku ciida”.

Si kastaba ha ahaatee xilliyada ciidaha waxay Soomaalidu caan ku yihiin hadiyadaha iyo is booqashooyinka qoysaska xigtada ah, balse suugaanta qudheedu waxay kaalin ku leedahay qarxinta jawiga farxadda leh.