U bood dhigaalka

Dowladda Mareykanka oo Walaac Ka Muujisay Wadashaqaynta Dhexmartay Kooxaha Shabaab iyo Xuutiyiinta

Kooxda Al-shabaab ayaa wax ka beddeshay dhammaan qorshahoodii shaqo ka dib guulihii ay gaareen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed labadii sano ee la soo dhaafay, taas oo looga saaray deegaanno iyo degmooyin badan.

Kooxda ayaa hadda kooxda Xuutiyiinta kala shaqeynayaan sidii ay awoodooda u ballaarin lahaayeen, sida ay sheegeen saraakiisha sare ee difaaca Mareykanka.

“Waxay la shaqeynayaan Xuutiyiinta, hadda kooxda waa wax la yaab leh ” ayuu yiri sarkaal sare oo ka tirsan difaaca Mareykanka, oo la hadlay warfidiyeenka.

Sarkaalku waxa uu sheegay in Xuutiyiinta Yemen ay u arkaan wada shaqayntan cusub “in si dhab ah loo qaato” iyagoo isku dayaya inay khatar ku noqdaan maraakiibta Maraykanka iyo Ingiriiska ee ka baxsan Badda Cas.

“Xuutiyiintu waxay weerareen ama u hanjabeen ciidamada badda iyo maraakiibta ganacsiga ee Maraykanka in ka badan 190 jeer badda cas iyo gacanka cadmeed laga soo bilaabo Nov. 19, 2023″af hayeenka Pentagon-ka Sabrina Singh ayaa u sheegay wariyeyaasha.

“Xuuthiyiintu waxay sheeganayaan inay u dhaqmayaan magaca Falastiiniyiinta Gaza, haddana waxay halis gelinayaan nolosha kuwa aan wax lug ah ku lahayn iskahorimaadka,” ayuu yiri Singh.

Guuleed Axmed oo ka mid ah aqoonyahanada Geeska Afrika ee machadka Bariga Dhexe ayaa sheegay in Xuutiyiinta oo gacan ka helaya dowladda Iran ay doonayaan in ay abuuraan jiho cusub oo badweynta Hindiya ah oo Al-Shabaab ay ka heli karaan gantaalada casriga ah iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

Waxa uu sheegay in Xuuthiyiinta ay horay ugu soo direen Al-Shabaab 3 Injineer oo ka dagaalama Koonfurta Soomaaliya si ay gacan uga geystaan ​​dhismaha Hubka casriga ah iyo Bambaanooyinka.

Mareykanka ayaa isku dayaya in uu xakameeyo qulqulka hubka ee Soomaaliya sanado badan.

Bishii Noofambar 2022, Waaxda Maaliyadda ee Mareykanka ayaa ku dhawaaqday cunaqabateyn ka dhan ah siddeed qof iyo hal shirkad oo ku lug leh dadaal sanado ah oo lagu doonayay in hub qiimihiisu yahay malaayiin doollar ay isaga kala gooshaan Yemen iyo Soomaaliya.

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa dagaallo adag la galay labadii sano ee lasoo dhaafay kooxda Shabaab, taasoo keenay inta badan laga qabso kooxda degmooyinka ku yaalla bartamaha Soomaaliya. sidoo kale dowladda Soomaaliya ayaa xayirtay Malaayiin doollar oo u socotay kooxda taasoo dhaqaalle daro ku riday kooxda