U bood dhigaalka

Kenya oo Wajahaysa Sicir Barar iyo Hoos u Dhac Dhaqaale iyo Dibadbaxyo Bilowday

Dowladda Kenya ayaa dib uga laabatay qorshe muran dhaliyay oo ay ku soo rogtay canshuuro badan, madaxtooyada Kenya waxay sheegtay in wax laga beddelayo hindise sharciyeedka ka caraysiiyay dadweynaha, iyadoo booliska ay sunta dadka ka ilmeysiisa u adeegsadeen dibadbaxayaal isugu soo baxay agagaarka xarunta baarlamaanka.

Sharciga Maaliyadda ayaa wax laga beddelay si loo kordhiyo canshuurta laga qaado rootiga, sonkorta, adeegyada maaliyadeed, wax kala iibsiga lacagaha qalaad iyo sidoo kale canshuurta baabuurta,” ayay madaxtooyadu ku tiri hadal ay soo saartay Talaadadii, balse Sharcigani waxa uu dhaliyay mucaaradad baahsan iyo gadood bulsho.

Ururrada bulshada rayidka ah ayaa sheegay in 210 qof la xiray, oo ay ku jiraan dibad-baxayaal, suxufiyiin iyo kormeerayaal ka tirsan kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha, hay’adda Amnesty Kenya ayaa sheegtay in qaar ka mid ah shaqaalaheeda oo indha indheynayay dibadbaxyada la xiray.

Kenya ayaa wajahaysa Sicir barbar iyo hoos u dhacda dhaqaale oo baaxad leh tan iyo markii la doortay Madaxweyne William Ruto sanadkii 2022, waxaana muuqata in dowladdu hadda ay wajahayso cadaadis xooggan oo dhanka shacabka ah.