Ganacsiga dalalka ku mideysan Bulshada Bariga Afrika (EAC) ayaa si weyn u kordhay rubucii labaad ee sannadka 2026, iyadoo qiimaha guud ee ganacsiga gobolka uu gaaray $52.3 bilyan, taas oo ah koror dhan 37% marka loo eego isla muddadii 2025-kii oo uu ahaa $38.2 bilyan.
Xogtan ayaa ku jirta warbixinta tirakoobka saddex-biloodlaha ah ee EAC ee bilihii Abriil ilaa Juun 2026. Kororka ganacsiga waxaa si weyn u taageeray kordhinta dhoofinta, gaar ahaan macdanta iyo biraha qiimaha leh.
Dhoofinta dalalka EAC waxay korortay 41.3%, iyadoo gaartay $26.3 bilyan, halka badeecadaha dibadda laga soo dejiyay ay kordheen 32.9%, oo gaartay $26 bilyan.
Arrintaasi waxay gobolka siisay faa’iido ganacsi oo dhan $300 milyan, halka sanad ka hor uu jiray hoos-u-dhac ganacsi oo gaarayay $945.3 milyan.
Macdanta ayaa qayb weyn ka qaadatay kororka dhoofinta. Copper-ka iyo biraha qaaliga ah ayaa kaligood ka dhigay 61.9% dhammaan dhoofinta EAC, marka loo eego 58.7% sanadkii hore.
Dhoofinta EAC ee dalalka Afrika ayaa korortay 44.3%, waxayna gaartay $7.2 bilyan, oo u dhiganta 27.5% dhammaan dhoofinta gobolka.
Dhoofinta loo iib geeyo dalalka ku jira SADC ayaa korortay 50.8%, iyadoo gaartay $5.1 bilyan, halka dhoofinta loo diray dalalka COMESA ay korortay 48.3%, oo gaartay $3.1 bilyan.
Shiinaha ayaa noqday suuqa ugu weyn ee dhoofinta EAC, iyadoo dhoofinta loo diray dalkaasi ay ku dhowaad laba jibbaartay, kana kacday $5.7 bilyan rubucii labaad ee 2025 ilaa $10.7 bilyan isla muddadii 2026, sidoo kale Kororka waxaa si weyn u waday macdanta iyo alaabaha ceeriin.
Ganacsiga u dhexeeya dalalka xubnaha ka ah EAC isaguna wuu kordhay, ayadoo dhoofinta gudaha bulshada ay korortay 33.2%, waxayna gaartay $3.2 bilyan.
Si kastaba, saamiga ganacsiga gudaha EAC ee dhammaan dhoofinta gobolka ayaa wax yar hoos ugu dhacay 12.1%, marka loo eego 12.8% sanadkii 2025.
EAC waxay sheegtay in sababtu tahay in dhoofinta loo diro suuqyada ka baxsan bulshada ay ka dhaqso badan tahay kobaca ganacsiga gudaha.
Soomaaliya waxay ka mid tahay siddeedda dal ee hadda xubnaha ka ah EAC, waxaana ururka ku jira Soomaaliya, Burundi, DRC, Kenya, Rwanda, Koonfurta Suudaan, Uganda iyo Tanzania.
Kororka ganacsiga gobolka wuxuu Soomaaliya siin karaa fursado dheeraad ah oo la xiriira suuqa Bariga Afrika, gaar ahaan dhinacyada dhoofinta, maalgashiga iyo isku-xirka ganacsiga gobolka.