U bood dhigaalka

Soomaaliya oo sheegtay inay buuxisay shuruudihii lagu maalgashan lahaa

Oktoobar 6, 2026

Muqdisho, 6 Oktoobar 2026 — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in Soomaaliya ay diyaar u tahay inay soo dhaweyso maalgashiga caalamiga ah, iyadoo xoogga saaraysa khayraadka dabiiciga ah, goobta istaraatiijiga ah iyo fursadaha dhaqaale ee dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa hadalkan ka sheegay xiritaanka Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Midowga Yurub (EU-Somalia Business Forum 2026) oo muddo laba maalmood ah ka socotay Muqdisho, waxaana ka qeyb galay bah-wadaagta horumarinta, hay’adaha maaliyadeed iyo ganacsatada Soomaaliya iyo Midowga Yurub.

Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in Soomaaliya ay dooneyso inay si furan ula shaqeyso cid kasta oo danaynaysa maalgashiga dalka, balse ay muhiim tahay in maalgashigu la jaanqaado amniga, midnimada iyo danaha qaranka.

“Soomaaliya waxa ay diyaar u tahay in ay dhahdo cid walba oo doonaysa in ay dalkaan ka faa’ideysato, nala saaxiibto, nala qaadato amniga iyo midnimada dalkeenna, gacmo furan kusoo dhawaada.”

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale sheegay in Xukuumadda DanQaran ay xoogga saartay amniga, dib-u-habeynta hay’adaha dowladda iyo abuurista nidaam dhaqaale oo lagu kalsoonaan karo.

Waxa uu tilmaamay in Soomaaliya ay leedahay fursado maalgashi oo ballaaran, gaar ahaan kheyraadka badda, macdanta, xoolaha iyo dhulka beeraha, kuwaas oo uu sheegay in qayb weyn oo ka mid ah aan weli si buuxda looga faa’iideysan.

Dhanka kale, Xamsa Cabdi Barre ayaa Midowga Yurub uga mahadceliyay taageerada iyo xiriirka ay la leeyihiin Soomaaliya, isaga oo ku boorriyay maalgashadayaasha Yurub inay ka faa’iideystaan fursadaha ganacsi iyo maalgashi ee ka jira dalka.

Madasha Soomaaliya iyo Midowga Yurub ayaa lagu soo bandhigay fursadaha maalgashi ee Soomaaliya iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga ganacsi iyo dhaqaale ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Midowga Yurub.