U bood dhigaalka

Madasha Ganacsiga iyo Maalgashiga Soomaaliya iyo Midowga Yurub oo Muqdisho laga Daahfuray

Oktoobar 6, 2026

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac, ayaa magaalada Muqdisho si rasmi ah uga furay Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Midowga Yurub, oo looga hadlayo xoojinta xiriirka ganacsi iyo maalgashi ee Soomaaliya iyo dalalka Midowga Yurub.

Madasha oo soconaysa laba maalmood, 5-ta iyo 6-da Oktoobar, waxaa si wadajir ah u qabanqaabiyay Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya iyo Ergada Midowga Yurub ee Soomaaliya.

Waxaa ka qeybgalaya ganacsato, maalgashadayaal, hay’ado maaliyadeed iyo mas’uuliyiin ka kala socda Soomaaliya iyo dalalka Yurub, waxaana kamid ah Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, László Eduárd Máthé, iyo wufuud Yurub ah oo Muqdisho u yimid ka qeybgalka madasha.

Inta uu shirku socdo, waxaa diiradda lagu saarayaa fursadaha maalgashi ee ka jira Soomaaliya iyo meelaha ay labada dhinac ka yeelan karaan iskaashi dhaqaale.

Qaybaha mudnaanta la siinayo waxaa kamid ah wax-soo-saarka beeraha, xoolaha nool, kalluumaysiga, tamarta, dhaqaalaha dhijitaalka ah, tiknoolajiyadda, gaadiidka iyo saadka.

Madasha ayaa sidoo kale lagu qabanayaa dood-cilmiyeedyo ay ka qeybgalayaashu ku wadaagayaan aragtiyo iyo waayo-aragnimo ku saabsan sidii loo horumarin lahaa ilaha wax-soo-saarka Soomaaliya, loo soo jiidan lahaa maalgashi cusub, loona abuuri lahaa jawi ganacsi oo fursado badan siinaya shirkadaha gudaha iyo kuwa caalamiga ah.

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Saalax Axmed Jaamac ayaa sheegay in horumarka laga sameeyay dib-u-habaynta dhaqaalaha iyo hay’adaha dowladda loo baahan yahay in loo beddelo fursado la taaban karo oo lagu kobcinayo maalgashiga, wax-soo-saarka gudaha iyo shaqo-abuurka.

Waxa uu tilmaamay in iskaashiga Soomaaliya iyo Midowga Yurub uu gacan ka geysan karo kordhinta wax-soo-saarka gudaha iyo dakhliga ay helaan muwaadiniinta, iyadoo la xoojinayo doorka ganacsiga gaarka loo leeyahay.

Saalax Axmed Jaamac ayaa sidoo kale ammaanay kaalinta ay ganacsatada Soomaaliyeed ku leeyihiin dhaqaalaha dalka, isagoo sheegay in ganacsatada ay door muhiim ah kasoo qaateen sidii dhaqaalaha Soomaaliya looga soo saari lahaa marxaladihii adkaa ee uu dalka soo maray.

Wuxuu sheegay in marxaladda hadda la joogo ay ganacsatada Soomaaliyeed horyaallaan fursado ballaaran oo ay kaga qeyb qaadan karaan horumarinta wax-soo-saarka dalka, kobcinta dhaqaalaha iyo abuurista shaqooyin cusub.

Madashan ayaa ku soo beegmaysa xilli Soomaaliya ay xoogga saarayso soo jiidashada maalgashiga gudaha iyo dibadda, horumarinta wax-soo-saarka gudaha iyo xoojinta xiriirka dhaqaale ee ay la leedahay dalalka iyo hay’adaha caalamiga ah.

Kulanka Soomaaliya iyo Midowga Yurub ayaa fursad u ah ganacsatada iyo maalgashadayaasha labada dhinac inay isku bartaan, isla markaana ay ka wada hadlaan fursadaha ganacsi, caqabadaha jira iyo sidii loo abuuri lahaa iskaashi dhaqaale oo wax-ku-ool ah.