Wax Ka Agow Asteynta Goobaha ay Dalku Ka Socdaan Dagaal Beeleedyo iyo Khasaarahooda?
Marka laga yimaado khasaaraha ka dhasha dagaalka lagula jiro kooxda Shabaab, dagaal beeleedyada waa kaalinta 2aad ee lagu hoobto, iyada oo ay ka dhashaan dhimasho, dhaawac, barakac iyo dhibaato qaarkeed jirta qarniyo.
Haddaba, Goobjoog News ayaa baaris ku sameysay asteynta goobaha ay dalku ka jiraan colaadaha, iyada inta badan maamullada ay ka jiraan dagaal beeleedyo haba ugu darnaadeed dowlad goboleedyada Galmudug, Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed.
Somaliland:
Maamullada Somaliland iyo maamulka KMG ah ee SSC-Khaatumo, waxaa sanadkii hore dhex maray dagaallo socday muddo dheer, lagana dhaxlay khasaare aad u badan. Hadda xadka u dhaxeeya Somaliland iyo SSC- Khaatumo waa goob dagaal, tan iyo dagaalladii lagu hoobtay ee sanadkii hore waxaa mar weliba jira xiisad.
Puntland:
Dowlad Goboleed-ka Puntland kuma badna dagaallada beelaha, waxaase marar qaar dhaca dilal la xiriira aano qabiil oo ka dhacay deegaanno badan, taasi oo ay kala wadaagaan meelo badan oo daalka ah.
Galmudug:
Deegaannada Galmudug waxaa meelo badan ka dhaco colaado beelaha dhexdooda ah, taasi oo keenta khasaare naf iyo maalba leh, iyo barakac. Culeyska ugu badan waa xakameyn la’aanta colaadaha beelaha taasi oo ay ka faa’ideystaan nabad-diidka.
Dagaalkii ugu dambeeyay waxaa uu ka dhacay Laandheer, Galgaduud. Deegaanka oo u dhaxeeya Cabudwaaq iyo Xeraale ayaa waxaa la sheegayaa khsaare badan, in ka badan 30 dhimasho iyo dhaawac intaasi kasii badan taasi oo keentay baaqyo badan oo heerar kala duwan iyo inuu Madaxweynaha Galmudug tago, laguna dhawaaqo xabdjoojin.
Dagaal beeleedyada kuma koobna oo keliya Laandheer, ee bilihii ugu dambeeyay waxaa ay ka dhaceen degmooyin iyo deegaanno badan sida; Xananbuure, Bali-Sonkor, laanjaamac, Jiic-Boor, Duleedka Dhusamareeb, Balanbale iyo inta u dhaxeyso Guriceel iyo meelo kale.
Hirshabelle:
Hirshabelle waxaa ay dagaallo beeleedyo ka dhaceen bilihii ugu dambeeyay degmooyin iyo deegaanno badan.
Hiiraan; Degmada Baladweyn, ayaa ka mid ah meelaha ay ka dhaceen, tani oo la xiriirtay xiisado siyaasadeed ayaa weli taagan.
Deegan dhaca inta udhaxeysa Aadan yabaal iyo Moqokori xuduudada labada gobol Hiiran & shabeelaha Dhexe ee Hirshabelle ayaa ka mid ah colaadaha dhacay. Inta u dhaxeysa Isku dhaca labadan beel ee deeganadan ayaa ah mid soo laa laabta waxayna salka ku heysa aanoyin, deegameysi iyo lahaansho dhul beered, haatan waa dagantahay waa gacan ka geystey waxgaradka labada dhinac waxaase saameyn ku leh isku dhaca khawaarijta .
Dhanka Shabeellada dhexe, Buurka-dirin, Raage Ceelle iyo Cadale waxaa ka socda, oo weli aan laga gaarin xal kama dambeysa dagaal beeleed sadex geesood ah, oo dhex maraya 3 beel oo halkaasi degta.
Koonfur Galbeed:
Saddexdii bilood ee ugu dambeysay sanadkan 2024-ka waxaa deegaanada maamulka Koonfur Galbeed ka dhacay dagaal beeleedyo sababay khasaare isugu jira dhimasho, dhaawac iyo barakac.
Gobolka Bay: Gobolkaan oo ka mid ah meellaha ay go’doomiyeen Kooxda Al-Shabaab waxaa ka dhacay billihii lasoo dhaafay dagaal beeleedkii ugu xumaa tan iyo markii la dhisay maamulka Koonfur Galbeed.
Degmooyinka Diinsoor, Bardaale iyo Buurhakaba waa Saddexda degmo ee ay ka dhaceen dagaalladii ugu adkaa. Dagaallada oo ay ka dhasheen barakac iyo hoy la’aan dad badan soo wajahday ayaa Sarkaal Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Koonfur Galbeed kana mid ah dadka dhexdhexaadinta ku howlan ayaa Goobjoog News u sheegay in ilaa hadda tirada guud dadka ku dhintay Saddexdaasi degmo ay gaarayaan 51 qof, halka dadka ku dhaawacmay ay ka badan yihiin 150 ruux.
Yuusuf Axmed oo ka mid ah Saraakiisha hay’addaha gargaarka ee ku sugan Koonfur Galbeed ayaa Goobjoognews u sheegay in xog aruurino ay sameeyeen ay muujinayso in tirada dadka ku barakacay ay kor u dhaafeen 5,000 oo qoys.
Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in ay ku guuleysteen xabad joojin ay kala dhex dhigaan beellaha dagaallamayay ka dibna loo fadhiisan doono dib u heshiis rasmi ah oo beellaha laga dhex dhigo.
Sababaha dagaalka ayaa lagu sheegay ilaa 3 arrin; (1) Sida aan kasoo xiganay Odayaasha dhaqanka iyo mas’uuliyiinta Koonfur Galbeed dagaalka waxaa uu salka ku haya isku heysashada ilo dhaqaalle sida Jidgooyooyin magaalooyinka meelaha laga soo galo yaallay oo dhaqaallaha kasoo baxa lagu qeybsan jiray hab beeleed. (2). Waxaa sidoo kale jiray mas’uuliyiin, iyo taliyeyaal loo soo magacaabay degmooyinkaasi oo beellaha qaar ay diideen iyo (3). Waxaa kaloo dagaalladaan sababay aanooyin qabiil oo horay loogu guuldareystay in wax laga qabto.
Dhanka Gobolka Bakool waxaa dagaal beeleedyo khasaare geystay ay ka dhaceen Ceelbarde iyo Tayeglow deegaano hoos yimaada. waxaa ka dhacay khasaare isugu jira dhimasho, dhaawac iyo Barakac. Inta la xaqiijiyay waxaa ku dhintay 12 qof. waxaa ku dhaawacmay in ka badan 50 qof.
Gudoomiyaha gobolka Bakool Maxamed Cabdi Tool ayaa xaqiijiyay in la joojiyay dagaal beeleedyada haddana lagu howlan yihiin sidii loo dhameyn lahaa.
Sida ay Goobjoog ku ogaatay xiriiro kala duwan oo ay la sameysay odayaasha dhaqanka iyo maamulka Koonfur Galbeed dagaal beeleedka waxaa kuu saleysan yahay dhul daaqsimeed beellaha ay ku murmeen cida iska leh.
Ugu dambeyntii, Gobolka Shabeellaha Hoose, wuxuu ka mid yahay meelaha ay ragaadiyeen dagaal beeleedyada sanadyadii lasoo dhaafay balse Saddexdii bilood ee lasoo dhaafay deegaano badan oo ku yaalla gobolka waxaa ka dhacay dagaal beeledyo sababay dhimasho iyo dhaawac.
Inkastoo magaalooyinka Marko ay heshay xaalad deeganaan ah, Haddana Qoryooley, Wanlaweyn iyo Baraawe waxaa ka dhacay dagaallo lagu hoobtay, iyada oo Baraawe ay u gaar ahayd isku dhac labo ciidan oo Federaalka iyo maamulka ah.
Maamulka Gobolka Shabeellaha hoose ayaa Goobjoognews u xaqiijiyay in ku dhawaad 30 ruux ay ku dhinteen dagaal beeleedyada, sidoo kale dad ku dhow 100 ruux ayaa ku dhaawacmay. hadda ma jiro dagaal socdaa balse waanwaan uu maamulka garwadeen ka yahay ayaa socota iyada oo ay ka dhasheen barakac sababay in ay dadka soo aadaan xeryo barakac uu ku yaallo Xamar.
Dagaalka ka socda Shabeellaha Hoose waxaa kuu saleysan yahay isku heysashada dhul beereed. Maamulka Shabeellaha Hoose ayaa joojiyay in dhul beereedkaasi wax falid ah lagu sameeyo ilaa xal laga gaarayo Xiisada. laba dhinac ayaa midba midka kale sheeganaya lahaanshaha dhulkaasi.
Ugu dambeyntii, Jubbland asteynteeda inta badan kama jiraan dagaal beeleedyo hadda daaran, waxaana inta badan kusoo laablaabta khilaafyo siyaasadeed.