U bood dhigaalka

Booliiska Garoonka Muqdisho oo Gacanta Ku Dhigay Eedeysane Baxsad Ka Ahaa Cadaaladda

Ciidanka booliska Soomaliyeed ayaa gacanta Ku soo dhigeen eedeysane gacan Ku dhiiglenim loo haysto, kaas oo lagu Magacaabo Maxamed Cumar Ciise, waxaana lagu heystaa dil ka dhacay deegaannada Puntland, xilli laga qabtay garoonka Muqdisho.

Waaran soo qabasho ah oo uu soo jarey Xafiiska Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo tixgeliyey Codsiga ka yimid Maxkamada Gobolka Nugaal ayaa Hoggaanka Xiriirka Dibadda (Interpol) ee Boliiska Soomaaliyeed Ka codsadey in Lasoo Qabto Eedeysane MAXAMED CUMAR CIISE 30 JIR AH kaas oo Ku Eedeysan inuu Dilay. Marxuum MAXAMED AXMAD FAARAX 17-05-2023 Asagoo isticmaalay Qori AK47 ah kadib asagoo baxsad ah ayuu Safar lugta ah ku Galay Xuduuda Dalka Kenya,

Hoggaanka Xiriirka Dibada ee Boliiska Soomaaliyeed ayaa Xogtiisa la wadaagay Xafiisyada Kala Duwan ee Interpol waxaana La ogaadey inuu Ku noolyahay Kenya uu Isticmaalay Magaca Cabduqaadir Cumar Cali Si aan loo aqoonsan

21-06-2024 wuxuu tagay Safaarada Soomaaliya ee Dalka kenya si uu U jarto Dukumintiga u Safar Dalkaaga (Go Home ) Wuxuuna ku jartey Magaca Been abuurka ah ee Cabduqaadir Cumar Cali

Interpol HQ ayaa Sitoos ah usoo wargilisay Hoggaanka Xiriirka Dibada ee Boliiska Soomaliyeed in uu eedaysanaha Kusoo Wajahan yahay Magaalada Moqdisho 25-06-2024 waxaana Saaka aroorti Garoonka Diyaaraha Aadan Cadde laga soo Qabtey Gacan ku dhiiglihii waxaan lagu wareejindoonaa Maxkamada Gobolka Nugaal si loo Marsiiyo Cadaaladda