Doorka Dhallinyarada Soomaaliyeed ay Ku Leeyihiin Amniga Dalka iyo Xasilloonidiisa
Amniga dalkeenna waxa uu muddo dheer ka mid ahaa caqabadaha ugu waaweyn ee horyaalla bulshada Soomaaliyeed, iyadoo dhibaatada amni ay saameyn ku yeelatay dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada, sida; waxbarashada, caafimaadka iyo guud ahaan baahiyaha aas-aasiga ee nolosha oo amnigu uu saldhig u yahay, iyada oo ay sidaa tahay ayaa haddana dhallinyaradu yihiin kuwo si gaar ah ugu nugul saameynta ka dhalata xaaladaha amni darrada.
Marka laga hadlayo tiro koobka dadka Soomaalida, waxaa la sheegaa in dhallinyaradu ay 70% ka yihiin bulshada. Waa fursad fiican in tiro intaa la eg ay bulsho ka noqdaan dhallinyaro, dalal badan oo dhaca qaaradda Afrika ayaan haysan fursaddaas dahabiga ah. Waxaan dalalkaas ka xusi karnaa Uganda, Niger, Angola, Mali iyo dalal kale oo ay aad u hooseeyaan tirada dhallinyaro ee ay haystaan.
Haddaba, Soomaaliya oo haysata tiro intaa la eg oo dhallinyaro ah, leh awood iyo firfircooni dheeraad ah waxa ay kaalin muhiim ah ka qaadan karaan sugidda amniga iyo nabadeynta. Qormadan waxay diiradda saaraysaa doorka muhiimka ah ee dhallinyarada ay ku yeelan karaan sugidda amniga dalka, iyadoo la eegayo tusaalooyin hore iyo talooyin wax ku ool ah oo ku saabsan sidii loo dhiirrigelin lahaa ka qeybqaadashadooda siyaasadda iyo sugidda amniga.
Faalladaan waxay sidoo kale sahminaysaa baahida loo qabo in dhallinyarada Soomaaliyeed la siiyo fursado ay kaalintooda ku muujiyaan, kagana qeybqaataan nabad-dhisidda iyo matalaadda sare ee siyaasadda. Waxay sidoo kale qormadu iftiiminaysaa sida looga faa’iideysan karo awoodda ay dhallinyaradu leeyihiin, sida ay ula shaqeyn karaan hay’adaha amniga iyo in ay kaalin muuqata ka qaataan howlaha kala duwan ee bulshada.
Taariikhda Doorka Dhallinyarada ee Amniga Dalka
Waxaa dhigaallo hore ku xusan dhallinyaro badan oo Soomaaliyeed kuwaa oo kaalimo muhiim ah ka qaatay sugidda amniga dalka. Tusaale ahaan, intii lagu jiray dagaalladii sokeeye, ururrada dhallinyarada ee maxalliga ah ayaa qaarkood ku guuleystay inay sameeyaan barnaamijyo nabadeyn ah oo sababay in nabadgelyo iyo xasillooni lagu wada noolaado deegaannadooda.
Waxaan tusaale u soo qaadan karnaa magaalada Gaalkacyo oo aan ognahay heerka ay colaaddu gaartay, boqolaal qofood ayaa ku nafwaayay muddadii ay dagaallada sokeeye ka socdeen Gobolka Mudug gaar ahaan magaalada Gaalkacyo, ujeedkeennu ma aha in aan ka sheekeyno wixii ka dhacay Gaalkacyo ee waa in aan caddeyno doorkii ay dhallinyarada laba dhinac ku lahaayeen nabadeynta magaalada Gaalkacyo, waxay ku guuleysteen in magaalada oo in muddo ah kala xirneed oo aan la isaga gooshi karin, in nabad iyo xasillooni la helo, illaa markii dambe ay qabteen madal ay ugu magacdareen “Bandhigga Nabadda iyo Buugaagta Gaalkacyo” oo tiro saddex jeer ka badan lagu qabtay Gaalkacyo. Dhallinyaradaas is xilqaamay ee buuxiyay kaalintaas iyo kuwa la midka ah ee nabadda ka dhaliyay deegaannada kale ee Soomaalida waxay tusaale u yihiin bulsada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, waxaa kale oo xusid mudan ururkii dhallinyarada ee Xamar Weyne oo iyaguna si firfircoon uga qeybqaatay dadaallo lagu xasilinayay xaafadaha Muqdisho xilliyadii ay Xamar kala xirneed, iyagoo sameeyay barnaamijyo abuuray is-dhexgal bulsho iyo nabadeyn lagu soo gaaray heerka aan maanta joogno.
Xasilloonida Siyaasadeed Iyo Ka Qeybqaadashada Dhallinyarada
Waxaa laga maarmaan ah in dhallinyarada Soomaaliyeed ay helaan fursado ay kaga qeybqaataan siyaasadda dalka, si ay u noqdaan cod firfircoon oo saameyn ku leh go’aannada masiiriga ah. Dhallinyarada waxay yeelan karaan ururro siyaasadeed oo ay ku mideysan yihiin, waxayna sidoo kale ku biiri karaan ururrada jira ee siyaasadda si ay u xaqiijiyaan in codkooda la maqlo.
Xoogga dhallinyarada oo la mideeyo ayaa looga guuleysan karaa fekerka xagjirnimada oo waqtigaan ah kan ugu daran ee dalkeenna qarribay, si loo helo barnaamijyo wacyigelin iyo waxbarasho ka saafi ah aragtiyo xagjirnimo waxaana ay taasi ku imaan kartaa in la helo manhaj aan dalal kale laga soo guurin oo si qumman uga hadlaya nolosha iyo wacyiga bulshada.
Waxaa la ogaaday in xagjirnimada ay si gaar ah u saameyso dhallinyarada, iyadoo kooxaha nabad-diidka ah ee aragtiada ku dagaallama ay si fudud u bartilmaameedsadaan dhallinyarada, iyaga oo uga faa’iideysta duruufo dhaqaale ama ka iibiya aragti qofka ku hoggaaminaysa mustaqbal mugdi ah.
Si looga hortago arrintan, waxaa muhiim ah in la sameeyo barnaamijyo wacyigelin ah oo dhallinyarada lagu barayo khataraha xagjirnimada, faa’iidooyinka nabadda iyo wadajirka bulshada. Tusaale ahaan, barnaamijka “Youth Against Violence” ee ay hirgeliyeen hay’ado maxalli ah ayaa ku guuleystay inay hoos u dhigaan heerka xagjirnimada ee dhallinyaro badan, iyagoo adeegsaday tababaro iyo wacyigelin joogto ah.
Dhallinyaradu waxa ay sidoo kale kaalin muuqata ka qaadan karaan la dagaalanka burcadda iyo kooxaha hubeysan ee dhibaatada ku haya deegaanadooda. Tusaale ahaan, dhallinyarada Boosaaso ayaa sameystay kooxo iskaa wax u qabso ah oo ka hortaga burcadda xeebaha, iyagoo la shaqeynaya hay’adaha amniga iyo maamulka deegaanka. Muqdisho oo muddooyinkii dambe ay ka jirtay nabad la mahadiyay, isla markaana ay yaraadeen dilalkii qorsheysnaa ee kooxaha bustooladaha ku hubeysan ay geysan jireen waxay khuburada amnigu qabaan in ay keentay dhallinyaro badan oo laga qoray hey’adaha amniga, gaar ahaan NISA, waliba inta badan dhallinyarada laga qoray xaafadaha ay degganaayeen, maaddaama ay fahmi karaan cidda ku cusub deegaanka iyo midka dool ku ah.
Waxa jira maqaallo hore looga qoray doorka dhallinyarada ee sugidda amniga dalka oo aad ka heli karto fikrado iyo tusaalooyin waxtar leh, anna igu dhiirrigeliyay in aan wax ka qoro fursadaha horyaalla dhallinyarada Soomaaliyeed. Waxaa ka mid ah qoraalladaas: “Youth as Agents of Peace: Somalia” – oo uu soo saaray Bangiga Adduunka, wuxuuna diiradda ku saarayaa sida dhallinyarada Soomaaliyeed ay kaalin muhiim ah uga ciyaari karaan nabadeynta iyo amniga dalka. Sidoo kale, “Shaping Peace Together: Somali Youth as Change-Makers” – ayaa ka mid ah oo lagu xusay in dhallinyarada Soomaaliyeed ay ka kooban yihiin 70% bulshada, taas oo ka dhigeysa laf-dhabarta bulshada.
Talooyin Guud:
Amniga waxaa qeyb weyn ka qaata xog hufan oo la siiyo ciidamada ammaanka. Waxaa la dhahaa xogtu waa awood (Information is power) oo lagala jeedo xog in la helo ayaa ah awoodda amni. Soomaalidu waxay dhahaan “War helaa, talo hela”. Wax kasta xogta ayaa u ah dhabbaha koowaad ee la qaado, dhallinyarada ayaana doorkaas ka qaadan kara qeyb lixaad leh. Waxaa muhiim ah in la xoojiyo xiriirka ka dhexeeya dhallinyarada iyo hay’adaha kala duwan ee amniga, si ay u wada shaqeeyaan. Tusaale ahaan, in la sameeyo guddi isugu jira dhallinyarada iyo saraakiisha amniga oo si wadajir ah uga shaqeeya sugidda amniga magaalo kasta
Talo soo jeedintaan kaliya diiradda ma saarayso in dhallinyaradu ay xog oo kaliya ku kaabaan ciidanka, ee xitaa waxaan soo jeedinayaa in ay ku biiraan Ciidanka Xoogga Dalka oo ay hiil iyo hoo ku taageeraan, sababtoo ah meel aan dhallinyaro ku jirin lagama filanayo natiijo wax ku ool ah oo lagu faani karo. Sidoo kale dhallinyarada kaxaysa bajaajta waa in ay helaan fursado ay ku gudbin karaan dhacdooyinka amniga quseeya oo ay la kulmaan, maaddama ay markasta ka dhex shaqeeyaan bulshada, waxaa kale oo muhiim ah in la kordhiyo tirada gabdhaha sirdoonka ka shaqeeya.
Gabdhaha Soomaaliyeed ayaa door muhiim ah ka ciyaari kara sirdoonka iyo amniga dalka. Iyadoo la og yahay in gabdhaha ay awood gaar ah u leeyihiin inay si fudud ugu dhex milmaan bulshada, waxay ka shaqeyn karaan meelaha ay haweenku u badan yihiin sida isbitaalada, maqaayadaha, iyo xarumaha bulshada, taas oo suurta gelinaysa inay helaan xogo muhiim ah oo la xiriira amniga.
Ugu dambeyn, waxaa laga maarmaan ah, xalna u noqonaysa amnidarro ka timaada dhallinyarada, in la hergeliyo barnaamijyo fursado shaqo u abuura dhallinyarada. Si looga hortago in dhallinyarada ay ku biiraan kooxaha hubeysan ama xagjirka ah, waa in la abuuro fursado shaqo iyo horumarineed oo ay ka faa’iideysan karaan dhallinyaradu.
Jacfar Maxamed
[email protected]