U bood dhigaalka

Wararkii Ugu Dambeeyay Banaanbaxyada Ka Socda Magaalooyinka Waaweyn ee Dalka Kenya

Sida ay ku waramayso warbaahinta dalka Kenya dalkaasi waxaa hadda ka socdo dibadbaxyo ay dhigayaan dadka kenyanka ah ee ka soo horjeeda hindse-sharciyeedka maaliyadda ee canshuurta lagu kordhinayo.

Nairobi, Mombasa, Nakuru iyo magaalooyin kale ayaa boqollaal dad ahi isugu soo baxeen.

Dadkaan ayaa wata boorar ay ku xardhanyihiin hal ku dhigayo ay ku diidanyihiin sharciga lagu kordhinayo canshuurta xilli dad badan ay sheegayaan in ay dareemayaan culeys dhanka nolosha ah.

Shacabka Magaalada Nairobi ayaa meel Fagaare ah ka sheegay in aysan awoodin bixinta canshuurta ay qorshaynayso dowladda Kenya.

Xarunta Baarlamaanka Kenya ayaa la gaarsiiyo waxyeelo weyn. waxaana ciidanka ay toogteen dhowr qof sida ay sheegeen warbaahinta Kenya.

Go’aankaan ayay sheegeen haddii aysan ka laaban in ay sii wadi doonaan banaanbaxyada ilaa laga joojinaayo.

Dowladda ayaa ciidamo badan gaysay xaruumaha dowladda si ay uga hortagaan in rabshado ay dhacaan.

Mudaharaadkan oo loogu magacdaray “Bishii Diidmada-Maaliyadda ee Kenya 2024,” ayaa sii xoogaysanayay maalmihii la soo dhaafay, waxaana uu kumanaan dad ah isugu soo baxayeen waddooyinka todobaadkii hore si ay u muujiyaan diidmadooda.

Baarlamaanka ayaa sharcigaani horyaallaa hadda waxaana lagu wadaa in ay ka doodaan.Sharcigan ayaa todobaadkii hore gudbay wareeggii labaad kadib markii 204 mudane ay taageereen halka 115 ay kasoo horjeesteen. Intaasi ka dib waxaa loo gudbi doonaa wajigii saddexaad ee Baarlamaanka oo wax ka bedel cusub lagu sameyn doono.