U bood dhigaalka

Soomaaliya oo Laga Xusay 26-ka June, Akhriso Taariikhda Maalintaas

Waxaa Soomaaliya laga xusay 64 guurada xornimada gobollada waqooyi ee 26-ka June 1960-kii markaas oo calnka Soomaaliyeed markii ugu horeysay laga tagaay gayiga Soomaalidu degto, xilli ay aheyd dharaar siweyn loogu farxay 1960-kii.

Munaasabad ma dhacay hoyga Xamar, waxaa xalay shacabka Soomaaliyeed kula hadlay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Ra’isul Wasaaraha JFF, Ra’isul Wasaare ku xigeenka iyo hoggaamiyaha SSC-Kaatumo iyaga oo ka hadlay ahmiyadda midnimada isla markaana ka digay goonni u goosadka.

Haddaba, Goobjoog News waxaa ay akhristeyaasheeda Dib u xusuusineynaa taariikhda xornimada 26-ka June.

British Somaliland, Waxaa gacanta ku hayey gumeystaha Ingiriiska in ka badan 70-sano, laakin arintaan waxaa lasoo afjaray maanta oo kale 26- June, 1960-kii.

Ka hor xuriyadda gobolada waqooyi ee 26-ka June 1960kii, waxaa jiray dhacdooyin iyo tilaabooyin ku tusniya wadinayd iyo isjaceyl dhexmaray bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan waqooyi iyo koofur.

6 April 1960, Golaha Tashriica British Somaliland ayaa meel mariyay Qaraar ama go’aan ku saabsan Madaxbanaanida Somaliland iyo Midnimada Soomaaliya.

Gobollada waqooyiga ama Somaliland si ka duwan maanta la joogo ayey go’aanka madaxbanaanida iyo midnimada ugu farxeen.
Maalmo kadib, 22-kii April 1960kii, waxaa Muqdishu lagu soo gabagabeeyay shir 6 Maalmood u socday Waftigii Waqooyi ee kan Koofur, Labada dhinac waxaa ay isku afgarteen in 1 July 1960-ka la midoobo oo Waqooyi iyo Koofur ku midoobaan Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Kulanka ka dhacay Muqdisho waxaa uu ahaa mid miro dhalay, waxaana la kala tagay iyaddoo labada dhinac ay ka muuqato farxad.

Bishii May 2, 1960-kii, waxaa Yurub tagay wafti ka socda Somaliland, safarkaas waxaa kasoo baxay in 26-ka June 1960 la gaarsiiyo British Somailand madax banaani.

Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal oo waftiga horkacayey oo la hadlay umadda Soomaaliyeed isagoo London jooga waxaa uu ku celiyay in Somaliland la midoobi doonto koofurta, sidaana ay labada dhinac ku faraxsan yihiin.

25-26 June, 1960kii lagama seexan gobollada waqooyi ee Soomaaliya, madaxdii Ingiriiska iyo Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal waxaa ay ku mashquulsanaayeen kala wareejinta maamaulka iyo sagootinta gumeystaha.
Shacabka waxaa ay isku diyaarinayeen in ay noqdaan dowlad, waxaa intaa dheer fanaaniinta oo qoray heeso iyo sugaan lagu cabirayo maalintaas qiimaha badan.

Waxaan filaayaa marka aad xuriyad soo xasuusataan, Waxaa dhagihiina kusoo dhacaya” goormaan Ladnaaney Lixdankii, Lugooyadii na deysay 26-kii June, goormaan Lulanay, 6-dii saacc goormaa Libaaney,  1-dii Luulyo labo midowday.

Erayadaas waxaa ay soo koobayaan dareen jiray 26-kii ilaa 1 July 1960-kii, Maalmahaas oo kale Soomaaliya horay uma soo marin.
June 26, 1960-kii, Waxaa xoroobey qeybta Waqooyi ee dalka Soomaaliya, Soomaalida ayaa la wareegtay maamulka dhulkooda, isla maalintaas waxaa calanka buuugga ah ee xidigta 5-ta gees leh ku hardhan laga taagay Bartamaha magaalada Hargeisa(Beerta Xuriyadda), iyadoo la qaadayo “Kana Siib Kanna Saar”.

Halgaama Soomaaliyeed ayaa Gabaygaas caanka noqday codkiisa ku qaaday, waxaa uuna noqday gabay ka tarjumaya rabitaanka bulshada Soomaaliyeed ee Waqooyi iyo koofur.
Waa jirtay Hees leh, Waa 26-kii, ee labada geesood midi ladnaatay, lurtii gumeysiga geed dheer ku laalay, waa 26-kii lugta waqooyi Libintii keentay, Cadawgii Legdeen,  leydhii xurnimo, liibaan ku gaareen.

Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo la hadlay shacabka kadib bixitaankii gumeysiga ingiriiska, waxaa uu sheegay in dalka ka baxeen ajaanibtii, inaga ayaa naloo kala tagay ayuu intaa raaciyay isagoo hadalkiisa kusoo gabagabeeyay in 1 July ay raacayaan Walaalahooda Soomaaliya.