U bood dhigaalka

Maxaad Ka Taqaanaa Suugaanta u Gaarka ah Xuska Maalinta Qaranimada Soomaaliya ee 1-da Luulyo?

Ka sokow halganka hubaysan ee loo soo galay gobanimada iyo madax-bannaanida dalkeena, waxaa jiray rag suugaanuahanno ah oo guubaabo iyo tirtirsiin uga qeyb-qaatay sidii gumeystaha laysaga dulqaadi lahaa.

sanado badan ayay hal-abuurkooda dadka dhiiggooda ku dhaqaajinayeen si ay ugu dhiirradaan inay saancaddaalaha addoonsiga iyo bah-dilka ku haya, markii calanka la qaatayna waxay suugaantooda ku muujiyeen ahmiyadda madax-bannaanida, midnimada, iyo muunadda calanka.

Raggaas waxaa kimad ahaa Cabdillaahi Suldaan Maxamed oo ku caan ahaa ama loo garan ogaa (Timacadde) oo ku dhashay duleedka magaalada Gabiley, sanadkii 1920-kii.

Geeraarkiisii layaabka lahaa oo habeenkii xorriyadda uu Magaalada hargeysa ka tiriyay, ayaa noqday hormuudka suugaanta Soomaaliyeed ee gobonimada iyo waddaniyadda ku saabsan.

Waa geeraarkii ay dhextaalka u ahayd:
Sareeyow ma nusmaaqow
Saqdhaxaanu ahayne
Kii sooo saaray cadceedow
Aan siduu yahay eego e
Kan siib kaana saar.

Allaha u naxariistee Abwaan Cabdullaahi suldaan timacadde wuxuu geeriyooday sanadkii 1973-dii, asagoo lagu xasuusan doono kaalintii wax ku oolka ahayd ee uu guubaabada dadkiisa, iyo ku hagidda dantooda ku soo qaatay.

2) Abwaanka labaadi waa Cali Xuseen Xirsi oo ku dhashay miyiga magaalada Burco sanadkii 1913kii, waxaana suugaantiisa guubaabada ah waxaa kamid ah geeraarkiisii caanka ah ee ka billowda

Calanyahow Shanta geees lihi
Guul alaha ku siiyoo
cadowgaagu ha guura oo
Gurigaa lagu saaray
Waligaa ku gabow.

3) Abwaan Xuseen aw faarax dubad Abwaanku wuxuu ku dhashay, kuna barbaaray deegaanka salaxlay ee duleedka magaalada hargeysa sanadkii 1928-kii, ka dibna wuxuu u soo wareegay magaalada Hargeysa oo uu waxbarashadiisa illaa dugsiga sare ku qaatay, waxaana suugaantiisa kamid ah heesta calanka ee qolaba calankeedu waa cayn oo uu qaado hoobalkii asaga qudhiisu abwaanka weyn ahaa ee Cabdullaahi qarshe.

Qolaba calankeedu waa cayn
Anaga keenu waa cirkoo kale
Oo caadna lahayn ee
Caashaqayee
Xidigyahay cadi waa
Naa ciidamaye
Carada kaligaa
Adow curaday

4) Abwaan Saxardiid Maxamed jabiye oo alifay heesta maandeeq oo ay ka billaabata” Waa maalin murankiyo
Makeegi haree
Aan maalno hasheena maandeeq”
Oo uu qaado hoobalkii weynaa ee Maxamed Axmed Kuluc.
Abwaanku wuxuu ku dhashay magaalada Hargeysa sanadkii 1938, isagoo ku koray waxna ku bartay magaalada Hargeysa,
Wuxuuna ku geeriyooday magaalada hargeysa sanadkii 2019.

4) Abwaan Siciid xarawo wuxuu ku dhashay gobolka mudug agagaarka magaalada gaalkacyo, wuxuuna hadda ku noolyahay magaalada Muqdisho, waxaana suugaantiisa gobonimada iyo waddaniyadda ku saabsan kamida: heesta caanka ah ee goormaan ladnaanay,

“Kuwa cadowgii laayoo
Isticmaarkii lumiyoo
Liidan baan nahay

Goormaan ladnaanayay
Lixdankii lugooyadii na daysay
Lixdii saac”
Dhammaan haldoorka suugaantan curiyay suugaantan ayaa haatan mootan oo sanado hore dhintay, markii laga reebo Abwaan Siciid Xarawo oo qudhiisu jeerkan gabow la tiicaya, waxayna inaga mudanyihiin duco iyo ku dayasho.