U bood dhigaalka

Raxan Diyaarado ah oo 34 Sano Kadib Kasoo Muuqday Dabaaldegga Xuska 1-da Luulyo

Xilli ay maanta ku beegantay 1-da Luulyo oo ah markii ay gobollada Koonfureed ee dalku madax-bannaanidooda ka qaateen gumeystihii Talyaaniga, islamarkaana ay waqooyiga iyo koonfurta dalku ku Midoobeen Jamhuuriyaddii koobaad ee Soomaaliya ayaa munaasabado maalintaas muunadda leh lagu waynaynayo lagu qabtay magaalo madaxda Muqdisho iyo inta badan gobollada dalka.

Munaasabadda ayaa sanadkan ku soo aadday xilli ay dowladnimada dalku meel aad u sarraysa marayso oo inta badan degmooyinkii ay Alshabaab maamuli jireen laga saaray, dalkeenu uu xubin ka yahay golaha ammaanka Qaramada Midoobay iyo ururka iskaashiga dhaqaalaha bariga Afrika, sidoo cuna-qabateyntii hubka laga qaaday, deymihii dunidu ku lahaydna laga cafiyay.

Sidoo dib u dhiska iyo qalabaynta ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa meel feecan maraysa, ayadoo ay dadka soomaaliyeed saaka ku indha doogsadeen raxan diyaaraha qumaatiga u kaca ee ciidanka cirku leeyihiin kamida oo dabbaaldeg 1-da Luulyo qeyb ka ah.

Diyaaradahan oo dubaaqa iyo dareenka dadweynaha aad u soo jiitay ayaa kamida waxyaabaha astaanta u ah soo kabashada iyo dhismaha cududda ciidan ee dalka oo sanadaha soo socda la saadaalinayo inuu kamid noqdo militariga ugu xooggan qaaradda Afrika.
Sidoo kale waxay sawir feecan oo u tusaale ah ka bixinayaan sida ay Soomaaliya isugu filantahay, islamarkaana ay ciidanka xoogga dalka si buuxda nabad-galyada dhulkooda u hannan karaan oo aan loo baahnayn in ciidamada shisheeye ay sii joogaan.