U bood dhigaalka

Banaanbaxyo Ruxay Caasimadda Kenya Xilli Dukaamo  Hor Leh Boob iyo Gubis Lagu Sameeyay

Bannaanbaxyo waaweyn kale oo rabshado watay ayaa dib ugu qarxay caasimadda dalka Kenya ee Nairobi, xilli kii ugu ballaarnaa Talaadadi shalay ka dhacay magaalooyinka waaweyn ee dalka Kenya oo ay ku jirto magaalada caasimadda ah ee Nairobi, waxaana jirta cabsida laga qabo inuu boob jiro.

Ciidanka Booliska oo isku dayaya iney xakameeyaan dibadbaxyada ayaa adeegsaday suntan dadka ka ilmeysisa, iyagoo dacwado ku soo oogay dibadbaxayaal dhagxaan ku tuurayay bartamaha magaalada Nairobi, si ay isugu dayaan in ay xakameeyaan rabshadihi ugu ballaarnaa ee Kenya ka dhacay 2024.

Madaxweynaha talada haya Willium Ruto ayaa u muuqda in dowladdiisu ku guuldareysatay qancinta dhaqdhaqaaqa dhallinyada dibadbaxyada dhiga, kuwaas oo siweyn uga carooday toogasho ciidanka u geysteen wiil dhallinyaro ahaa oo ka tirsanaa, xilli bannaanbaxyadu ayaa u muuqda kuwa sii faafaya.

Mudaaharaadyadii Talaadadii ayaa ku bilowday dareen xamaasad leh, balse waxa ay isku baddalay rabshado. Xooggooda ayaa ka dhacay tuulada ganacsiga ee bartamaha magaalada Nairobi. Ciidamo boolis ah oo xirnaa koofiyado, kuwaas ay uga ganbanayaan dhagax ay tuurayaan banaanbaxayaasha.

Dibadbaxayaasha ayaa gubay Dukaammo, shaqaalaha gargaarka dag dagga ahna waxay ku mashquul sanaayeen daweynta dadka dhaawaca ah, halka boolisku ay xirayeen dadka waddooyinka joogay sida ay xaqiijiyeen goob-joogayaasha iyo saxafiyiinta, Kenya ayaa u muuqata in xaalad adag ay sii galeyso.

Dibadbaxyada dalka Kenya ayaa bilowday kadib markii dowladdu ay soo rogtay sharci lagu kordhiyay dhaqaalaha dalka iyo canshuuraha, kaas oo Baarlamaanka tagay, xilli madaxweyne Ruto uu shaaciyay inuu dib uga laabtay sharciyadaasi, taas oo muujinaysa inaan wadibaxyadu aysan wali la xakameynin.