U bood dhigaalka

Maxaa Keenay in Warbaahinta Dunidu Ka Caajisto Tabinta Dagaalka Qaza?

Gumaadka joogtada ah ee maamulka Israa’iil uu ku hayo dadka reer Falastiin ee marinka Qasa ayaa socda bishii 10-aad oo xariir ah, ayadoo tirada dhimashada ee ka dhalatay ay gaartay in ka badan 37,925 qof, halka dhaawacyaduna ay 87,141 sare u dhaaftay.

Sidoo kale waxaa waxaa jira daaraasiin dad ah oo aan raq iyo ruux midna lagu hayn, kuwaas oo la rumaysanyahay inay ku qur bexeen dhismeyaasha burburay hoostooda, islamarkaana halkaasi ay xabaal rasmi ah u noqatay.

dadka nool ee duqeymaha iyo dilalka tooska ah ee Israa’iil ka nabad-galay ayaa ayaguna hadda ku jira xaalad cakiran, waxayna u muuqdaan sida xayn ari ah oo nin kawaanle ah xayndaab ugu jiri, maalin walbana uu tiro kamid ah gowracayo.

Waxay ku jiraan duruufo nololeed kuwii ugu adkaa, waxayna wajahayaan barakac maalin leh maadaama ay duqeymuhu hadda jiho cusub uga imaanayso, islamarkaana aanay jirin goob nabad-galyo ah ama gabaad ah oo ay diyaaradaha rushaynaya iyo rasaasta tooska ah kaga badbaadi karaan.

Sidoo kale cunto yari baahsan ayay wajahayaan, ayadoo safaf dhaadheer u gala goobo kookooban oo rootiga iyo cuntooyin kaloo fudud laga helo, waxaanay xaaladdu gaartay heer lagu tilmaami karo cadaabta dunida.

Midda layaabka leh inay madaxdii dunida islaamka iyo warbaahintiiba ay ka sii caajisayaan soo hadal qaadidda dadkan tarab tarabta loo laynayo, qaarkood ay gaajada iyo daawo la’aanta u dhimanayaan ee xasuuqa martida ah.

Dadka damiirka iyo garaadka quman leh ayaa is weydiinaya ma xaquuq ayaanay lahayn oo xaydaabka bini’aadantinimo kuma jiraan, dhiiggooduna xurmo ma leh, mise xaquuqooda ayaa dabiica iska noqday oo in la sheego xiiso looma qabo.