U bood dhigaalka

Sidee Xal Loogu Heli Karaa Jaamka Badan ee Waddooyinka oo Inta Badan Dhib Lagu Qabo?

Magaalada madaxda dalku sanadba sanadka ka dambeeya way sii koraysaa, baaxad ahaan iyo bulsho ahaanba, waxaana koritaankaas qeyb ka ah kororka jaadadka kala duwan ee gaadiidka sida maalin laha ah u dhex mushaaxaya.

Gawaari xamuul ah, kuwa dadweynaha qaada, qaar tamashle loogu tala-galay, iyo kollanyooyin ay masuuliyiin dowladda ka tirsani wataan ayaa sidii faraha siman u yaacaya laamiyada waaweyn ee caasimadda.

Waa run oo baabuurtu bilicda iyo hormarka kaalin weyn ayay ku leeyihiin, sidoo kale isku socodka dadweynaha iyo daabulidda adeegyada muhiimka ah ayay qeyb libaax ka qaataan, balse hannaankooda adeegsiga jidadka waxaa ka taagan culays aan layska indha tiri karin.

Isgoyska iyo hilimada faras magaalaha ku yaalla ayaa mararka qaar jiq isku noqda oo gaadiidku food isla galaan, kala furfuriddooduna ay ammin dheer oo saacado ah ku qaadataa ciidanka taraafikada iyo is xilqaameyaasha damiirkoodu hagayo ee wax kala fududaynta ku foogan.

Dadka xanuunsan ee isbitaallada loola cararayo, hooyada foosha ah, ardayda waxbarashada ka daahaysa, shaqaalaha u ordaya howl maalmeedkooda, iyo dadka socdaalka ah oo laga rabo inay si degdeg ah garoonka diyaaradaha ku tagaan ayaa dhammaantood dhibane u noqda markay jidadku isku xirmaan.
Inkastoo ay dowladdu dadaashay oo mootooyinka maalinba koox u qoondaysay, haddana dhibaatada weli fari kama qodna, cabashada la xariirta cariiriga dhabbeyaashuna waa mid ay wada qabaan wadayaasha gaadiidka, dadweynaha, madaxda, iyo ciidamada nabad-galyada waddooyinka oo qudhoodu kala hagidda gaadiidka dhibaatooyinka Kala kulma.

Haddaba haddii ay culaysyada wadda maristu kamid yihiin caqabad dadka caasimadda wadar ahaanta u haysta, muxuu yahay xalku, yaa’se u egman furdaaminta arrintan, ma madaxda oo keliya, mise bulshada iyo dowladda oo iskaashanaya.

Warcelinta dambe waa quman oo si wadajir ah in arrintan looga howlgalo ayaa habboon sida ay xeeldheereyaashu qabaan, waana in gaadiidka waaweyn ee xamuulka xilli go’an ama gees cayiman oo ay jidadka ka adeegsadaan loo qoondeeyo, askarta baraha hubinta joogaahina ay dadaal iyo gacan fududayd muujiyaan.

Sidoo kale wadayaasha mootooyinka iyo kexeeyaasha baabuurta qafilan ee dowladdu waa inay xeerarka wadda marista ku dhaqmaan oo aanay meelaan munaasabad ahayn, ama doc aanay jidka ka lahayn isku cariirin.

Tillaabooyinkan ayay xal dhiig joojin ah u arkaan xeeldheereyaashu, balse dhaqan-gelintooda ayaa ah mid dhammaan ina wada sugaysa oo aan cid gaar ah marti looga ahayn, maadama dhibka ka yimaado uu nawada saameynayo.