U bood dhigaalka

Bayaannada Muqdisho iyo Garoowe Maxay ka Sheegayaan Burcadbadeedda Xeebaha Buntilaan?

Ogoosto 31, 2026

Buntilaan iyo Burcadbadeedda

Markabkii MV Lutuf ayaa 17kii Agoosto 2026 laga afduubtay meel u dhow xeebta Jiifle ee degmada Eyl. Waxaa muddo toban maalmood ku dhow lagu haystay agagaarka Garmaal iyo Jiifle degaanno ay Buntilaan maamusho.

29kii Agoosto, Wasaaradda Gaashaandhigga ee Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxay sheegtay in Ciidanka Badda Turkiga iyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay markabka soo furteen, burburiyeen afar doonood oo burcadbadeeddu adeegsanaysay, dileenna 14 ka mid ah kooxda. Burcaddii hartay ayaa ka carartay markabka, shaqaalihiisiina xorriyaddoodii dib u helay.

Buntilaan waxay hawlgalka kaga jawaabtay laba doodood oo isburinaya. Dhinac, waxay ka dhiidhiday dadkii lagu dilay Jiifle iyo Garmaal, iyada oo ku sheegtay kalluumaysato. Dhinaca kalana, waxay Dawladda Federaalka ah ku eedaysay in ay xiriir la samaysay kooxdii markabka laga soo furtay, madaxfurashana siisay.

Haddaba, sidee ayay Buntilaan mar isaga bariyeeli kartaa burcadbadeedda, mar kalana ugu doodi kartaa dadkii lagu beegsaday hawlgalkii markabka lagaga soo furtay?

Haddii dadka la dilay ahaayeen kalluumaysato, Buntilaan waxaa ku waajib ah in ay soo bandhigto magacyadooda iyo caddayn muujinaysa in aysan ka tirsanayn kooxdii markabka haysatay. Haddii ay ahaayeen burcadbadeed, u doodiddoodu waxay maamulka gelinaysaa meel adag. Haddii kalluumaysatada iyo burcadbadeeddu goobta wada joogeen, baaritaan madaxbannaan ayaa lagu kala caddayn karaa cidda la dilay.

Bayaanka Buntilaan arrimahaas midna ma caddayn. Wuxuu isku dhex daray sheegidda dhimashada rayidka, burcadbadeedda, duqaynta iyo madaxfurashada; mana uusan soo bandhigin magacyada dadka dhintay, diiwaanka isgaarsiinta ama caddaynta lacagta la bixiyay.

Waxaa kale oo aan laga jawaabin sababta markab la afduubtay muddo intaas la eg loogu haystay xeeb ay Buntilaan ka arrimiso. Yaa burcadbadeedda sahayda siinayay?Maxay ciidamada Buntilaan u qaban waayeen? Immisa qof ayaa afduubka loo xiray? Haddii Garoowe taqaanay kooxda, goobta ay joogtay iyo cidda la xiriiraysay, maxay iyadu markabka u soo furan weyday?

Heshiiskii Soomaaliya iyo Turkiga oo dhaqangalay

Hawlgalku wuxuu muujiyay in Heshiiskii Iskaashiga Difaaca iyo Dhaqaalaha ee Soomaaliya iyo Turkigu uusan ku ekayn waraaqo la saxiixayn. Baarlamaanka Federaalku wuxuu heshiiska ansixiyay Febraayo 2024, muddadiisuna waa toban sannadood. Waxaa ka mid ah ilaalinta xeebaha, dhisidda Ciidanka Badda Soomaaliyeed iyo ladagaallanka burcadbadeedda iyo kalluumaysiga sharcidarrada ah.

Wasaaradda Gaashaandhiggu waxay si cad u sheegtay in hawlgalka MV Lutuf lagu fuliyay heshiiskaas. Farriinta siyaasadeed ee arrintaasi xambaarsanayd waxay ahayd in Dawladda Federaalka ahi heshiiskeeda caalamiga ah kaga hawlgeli karto xeebaha dalka, oo ay ku jiraan kuwa ay Buntilaan maamusho.

Halkaas ayaa laga fahmi karaa sababta bayaanka Buntilaan u kululaa. Markab lagu haystay degaan ay maamusho ayaa waxaa soo furtay Dawladda Federaalka ah oo kaashanaysa Turkiga. Hawlgalku markabka oo keliya ma soo furin; wuxuu, sidoo kale, muujiyay dhaqangalka heshiiska iyo awoodda Dawladda Federaalka ah ee difaaca badda.

Weli lama hayo caddayn lagu xaqiijin karo in maamulka Buntilaan uu gacansaar la leeyahay burcadbadeedda. Hase yeeshee, Garoowe waxay ku fashilantay in ay iska fogayso tuhunkaba.

Waxay u doodday dadkii lagu dilay goobihii ay burcadbadeeddu ka hawlgalaysay, iyada oo aan aqoonsigooda caddayn; waxayna Dawladda Federaalka ah ku eedaysay in ay xiriir la samaysay burcadbadeedda, iyada oo aan daliil soo bandhigin.

Buntilaan hal mar iskama bariyeeli karto burcadbadeedda, ugumana doodi karto dadkii lagu beegsaday hawlgalkii markabka lagaga soo furtay, ilaa ay caddayso in dadkaasi rayid ahaayeen.

Waxaa hadda horyaal laba waajib: in ay xaqiijiso cidda la dilay iyo in ay sharraxdo sida burcadbadeeddu markab ugu haysatay xeebaha Nugaal muddo toban maalmood ku dhow.