Maamul-goboleedka Puntland ayaa maanta u dabaaldegaya sanad-guuradii 28-aad ee ka soo wareegtay markii la aas-aasay 1-dii Agoosto 1998.
Puntland ayaa ah maamulka labaad ee ugu faca weyn dalka markii laga soo tago Soomaaliland oo la dhisay sanadkii 1991-dii xilli dalka uu ku jira dagaalkii sokeeye, waxayna mudadii 28-ka sano ahayd ee ay jirtay, Puntland noqatay mid kamid ah maamullada ugu waaweyn uguna xasilloon Soomaaliya.
Puntland waxay ku guuleysatay inay dhisto hay’ado dowladeed oo shaqeeya, sugto amniga deegaannadeeda, isla markaana hirgeliso adeegyo dowladeed oo kala duwan.
Tan iyo markii la aas-aasay, Puntland waxaa soo maray lix madaxweyne oo kala ah Cabdullaahi Yuusuf Axmed, Maxamed Cabdi Xaashi, Maxamuud Muuse Xirsi (Cadde Muuse), Cabdiraxmaan Maxamed Faroole, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo madaxweynaha hadda talada haya Siciid Cabdullaahi Deni.
Puntland ayaa door muuqda ka qaadatay hirgelinta nidaamka federaalka Soomaaliya, ayadoo hoggaamiyeyaashii maamulkaasi ay ka mid ahaayeen siyaasiyiintii hormuudka ka ahaa doodaha iyo heshiisyadii lagu dhisay hannaanka federaalka, taas oo sababtay in Puntland loogu yeero “Hooyada Federaalka Soomaaliya.”
Dhanka amniga, Puntland waxay muddo dheer caan ku ahayd xasillooni ka wanaagsan inta badan deegaannada kale ee dalka, yadoo ciidamada ammaanka ay la dagaalameen kooxaha argagixisada iyo burcad-badeedda, islamarkaana deegaanada maamulkaas intooda badani ay noqdeen meelo ku habboon ganacsiga iyo maalgashiga.
Sidoo kale, maamulka ayaa sameeyay goleyaal dowladeed oo ay ka mid yihiin Golaha Wakiillada iyo Garsoorka, kuwaas oo door ka qaatay dhismaha hay’adaha dowliga ah iyo maamulka deegaannada.
Muddooyinkii la soo dhaafay waxaa Puntland laga hirgeliyay mashaariic badan oo dhinacyada waddooyinka, dekedda Garacad, garoomada diyaaradaha, waxbarashada, caafimaadka iyo horumarinta dakhliga gudaha ah, taas oo sare u qaaday awoodda maamulka ee isku filnaanshaha dhaqaale.
Si kastaba ha ahaatee, Puntland inkastoo ay gudeheeda xasillooni tahayna haddana waxaa marar badan wajahday khilaafyo siyaasadeed oo aan dhammaan oo kala dhexeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Khilaafaadkaas ayaa inta badan salka ku haya awood-qeybsiga, wax-ka-beddelka dastuurka, maamulka doorashooyinka iyo qaabka loo wajahayo arrimaha federaalka, iyadoo xilligan, xiriirka u dhexeeya Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya uusan gebi ahaanba shaqaynayn.
Puntland ayaa markasta oo khilaaf yimaado sheegta inay hakisay wada-shaqeyntii hay’adaha federaalka, iyadoo ku dooda in la ilaaliyo nidaamka federaalka iyo heshiisyadii lagu dhisay dowladda.
Si kastaba haahaatee, iyadoo loo dabaaldegayo sanad-guuradii 28-aad, Puntland waxay soo bandhigaysaa guulo ay ka gaartay dhinacyada amniga, maamulka iyo horumarinta adeegyada bulshada, balse dhanka kale, waxay weli wajahaysaa caqabado ay ka mid yihiin xoojinta dimuqraadiyadda, kobcinta dhaqaalaha, dhammaystirka nidaamka federaalka iyo hagaajinta xiriirka kala dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya.