U bood dhigaalka

Ciidanka Kumaandooska oo Howlgal Ka Fuliyay Deegaanno Hoostaga Buulo Burde

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan ururka 8-aad ee Guutada 18-aad ee Gor-gor, ururka 291aad Guutada 29aad ee daljir iyo Ciidamada deeganka ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyey deegaano hoostaga degmada Buuloburde ee Gobolka Hiiran.

Ciidankaan ayaa howlgalka ka fuliyay goob la sheegay iney isku aruursanayeen xubno ka tirsan Kooxda Al-Shabaab, sida lagu sheegay war ka soo baxay ciidanka, ciidanka ayaa ku baxay markii ay arkeen oo ay heleen xogta ay heleen.

Howlgalka oo ay wadajir u hoggaaminayeen Abaanduuliyaha ururka 8-aad ee guutada 18-aad ee Gor-gor Naqiib Abdullaahi Xersi iyo Taliyaha Ururka 291aad Guutada 29aad ee Daljir G/le Cali Cadde, waxaa cagta lagu mariyay goobo ay ku sugnaayeen Alshabaab oo ku yaalay deegaanka Beero-yabaal oo hoostaga degmada Buulaburde ee gobolka Hiiraan.