U bood dhigaalka

Xisbiga Madaxweyne Macron oo Aqlabiyadda Baarlamaanka Ku Lumiyay Doorashadii Dhacday

Doorashooyinka dalka Faransiiska ayaa siweyn waxaa loogu jabiyay xisbiga uu hoggaamiyo Macron, kadib markii xisbiga Isbaheyda bidixda uu helay natiijo lama filaan ah, kadib markii ay heleen 182 Kursi, halka xisbiga dhextaalka ee uu hoggaamiyo madaxweynaha talada haya uu 168 Xildhibaan.

Codbixiyeyaasha ayaa u muuqda iney iska diideen xisbiga Midigta Fog, kaas oo doorashooyinka kala yimid 143 kursi, marka loo eego 500 ee kursi ee lagu tartamayo, doorashada shalay dhacday Axaddii ayaa ka dhigan in xisbiga xisbiga dhextaalka uu waayay Aqlabiyadda Baarlamaanka oo 289 Xildhibaan.

Macron ayaa horay u iclaamiyay doorashadan oo uu waqtigeeda kasoo hormariyay, kaddib guulihi uu xisbiga midigta fog ee La Pen kasoo hooyay doorashooyinki baarlamaanka Yurub, waxaana muuqata in doorashadaan uu siweyn ugu jabay xisbiga Midigta oo ay hoggaamiso Marine Le Pen oo 143 helay.

Natiijada doorashada ayaa sidoo kale dharbaaxo iyo waji-agabxnimo ku ah, xisbiga siyaasaddiisu ay dhexda u janjeerto ee madaxweyne Emmanuel Macron, kaas oo lagu qasbay inuu soo dhiso dowlad wadaag ah, maadaama uu waayay codka aqlabiyadda Baarlamaanka oo u suurtogelin laheyd.

Madaxweyne Macron ayaa hadda waxa uu u xuub siibtay, in uu dhexda uga dhacay baarlamaan aad u kala qeybsan siyaasad ahaan, bidix, midig iyo dhexda, kuwaas oo uusan midna heysan aqblabiyadda, waxaana laga cabsi qabaa inuu imaan karo jahwareer siyaasadeed oo Faransiiska uu wajahayo.