U bood dhigaalka

Ciidanka Xoogga Dalka oo Howlgallo Ka Dhan ah Al-shabaab Ka Fuliyay Bariga Galgaduud

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Guutada 26-aad ee Cali Bin Abii Daalib iyo dadka deegaanka ayaa howlgal ka dhan ah kooxda Alshabaab ka sameeyay dhulka howdka ah ee u dhaxeeya deegaanada Bood iyo Budbud ee gobolka Galgaduud.

Howlgalka ay sida wadajirka uga fuliyeen dhulka howdka ah, Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ayaa ahaa mid looga hortegayay qorshe ay maleegayeen xubno ka tirsan Alshabaab sida lagu sheegay war ka soo baxay ciidanka xoogga dalka.

Taliyaha Guutada 26-aad ee Cali Bin Abii Daalib Gaashaanle dhexe Cabdiraxmaan Salaad Xujaale oo la hadlay Warbaahinta dowladda ayaa xaqiijiyay in howlgalka lagu bar-tilmaameedsaday xubno ka tirsan kooxda Alshabaab oo isku uruursanayay dhulka howdka ah ee u dhaxeeya deegaanada Bood iyo Budbud ee gobolka Galgaduud,islamarkaana ay weli Ciidanku ku raad-joogaan dagaallayaal ka tirsan kooxda.

Howlgallada ka dhanka ah kooxda Alshabaab ee ka socda gobollada Koonfurta iyo bartaha dalka ayaa xoogaystay bilihii la soo dhaafay, kuwaas oo lagu xaqiijiyo nabad-galyada guud ee dalka.